WAJAALE NEWS

DUCO-QABE!!! SICIID YUUSUF AAR

Runtii anigu si toos ah oo qof ahaaneed cigaal uma baran,ulamaan shaqayn,isagoo qof caadi ahna maan arkin marka laga reebo marar badan oo goob uu khudbad ka jeedinayo una badan khayryada aan ka xaadiray.

Waxaanan barbaaray isaga oo madax u ah jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaan xasuustaa oo aan qirsanahay goob joogna u ahaa waxqabadkii muuqday ee uu dalkan iyo dadkanba u qabtey.

Hadaba madaama uu ahaa shakhsigii hirgaliyey horumar dhinacyo badan leh wakhtigii uu xukunka hayayna horumarkii wadanku hiigsanayay aan is waydiin jiray tolow 2008-da wadankeenu xaguu gaadhi doono madaama si habsami leh wax u socdeen kuna niyad samaa in intaa wax ka badani qabsoomi doonaan.

Xasuusya iyo jaceylka aan u hayo hogaamiye Cigaal waa mid u iga mutaystay lkn aan ahayn mid ku salaysan isku reerbaad tihiin ama dan gaara oo uu ii fuliyey. Waa shaqsi ku dayasho mudan jeclahayna in aan noqdo Siyaasi sidiiso kale Ummada danteeda tiisa ka hor mariya kolay isaga la gaadhi maayee hadana qushiye iska daba socda.

 

Cigaal wuxuu ahaa hogaamiye igu dheer oo cimri dherer iyo caafimaad Alle uga tuugi jiray, sidaas oo ay tahayna naf wakhtigeeda dhaafi kartaa aanay jirin, waxa si kadis ah ay tiisi u timi marxuum Cigaal oo goor casar ah oo jimce ah ka dhageystey radio Ethiopia dhimashadiisii tasoo murugo wayn iyo niyad jab ku abuurtey dadbadan iyo aniga khaas ahaan isla gelinkii dambe waxaan mar labaad ka dhageystey geeridiisii idaacada BBC-da markuu warku dhamaadayna waxa soo galay barnaamijkii Salaamaha oo ay daadihinayeen goortaas Cowke iyo Aamina muuse weheliye oo alaaba maalinta jimcaha warka dabadi u qorshaysnaa in idacada laga baahiyo badanaana ku bilaabmi jiray music,qosol,iyo alalag badan.

Markey intaasi dhacday ayaan si kadis ah u bakhtiiyey radio-gii anigoo le “waar naga bakhtii ma maalin la qoslaa?” intaa markaan idhi waxa si cadhaysan ceyna weheliso iila hadlay qof ka mid ah dadkii fadhiyey goobtaas oo marxuumka aflagaadeeyey markuu dhawaqaa dhagahaygu maqleen waxaan weerar ku qaaday shakhsigii iyadoo goobtaa lanagu kala jiiday. Mudo 14-sano ah hadiiba aanu goob isugu imano shakhsigaa waxa igu soo dhici jirtey gafkii maalintaas umanaan dul –qaadan jirin alaaba kaftankiisa anigoo si cad ugu sheegi jiray inaanan ogoleyn hadaladiisa noocaas ah una dul qaadan karin igana joojiyo gabi ahaanba waxaan ka ahayn hadalada caadiga ah.

Shakhsiyyan ninkan waa qof dadaal badan noloshana guulo la taaban karo ka gaadhay kaftan-yahanna ah sidiisa kalana aan ugu ogolahay wanaag badan iyo inuu nolosha guulo ka gaadho, Lkn aanan ilaawi jirin gafkii maalintii geeridii marxuumka ka dhacay oo aniga igu mudnayd waxa se maanta oo lagu jiro dabayaaqadii 2016 anigoo inta badan calool ku hayn aan lahayn dadkuna ay igu yaqaanaan lkn dhacdadani ay si gaara iigu mudnayd waxa cafis iga ah shakhsigaa an kor ku soo sheegay kadib markii aan arkey isagoo sita qaybinayana dhowr nuqul oo buuga “Duco Qabe” oo si hufan uga hadlaya tariikhdii Cigaal taas oo noqotey furaha cafiskeyga

maxamed-xaaji-ibraahim-cigal

Siciid Yuusuf Aar

 

Exit mobile version