Hargeisa(wjn): waxa gobolka awdal 24 sacadood ee ugu dambeeyay ka da,ayay roobab xoogan oo dabaylo wata sida uu sheegay gudoomiyaha gobolkaasi mudane Cabdiraxman Axmed Cali oo ay qaybo ka mid ah warbaahinta u xaqiijiyay inay ku dhinteen ilaa 15 tobon qof oo ku nool deeganada gobolka awdal Gar ahaan deeganada Baki iyo Lughaya.
Mudadii uu da,ayay roobkaasi ayaa waxa uu khasaare laxaad leh soo gaadhsiiyay dhamaanba duunyo wixii ay lahayeen sida xoolaha oo qarkood u dhintay qabowga faraha badan ee uu roobku watay waxa kale oo uu qaaday shinidii beeraha oo dhawaan caradda lagu shubay.
Dhinaca kalena magalada saylac oo shalay dad badan laga daad gureeyay ayaa aan wax kashaare dhimasho ah laga soo sheegi.
Sida ayay wararka aanu ku helayno dooxyada u dhow saylac ayaa waxa ay qaadeen gadiid ilaa iyo haatana lama oga cid wax ku noqotay
Wixi warar ee arintaasi ku saabsan kala soci shabakadda wararka ee wajaalenews.net
HARGEISA OFFICE
WAJAALENEWS.NET
WARIYE ABDIQADIR HABBANE