WAJAALE NEWS

Maxkamada Sare Ee Somaliland Oo Go’aan Ka Soo Saartay Dacwadii Xuseen Axmed Caydiid Iyo Wasiir Maxamed Muuse Abees

Hargeysa (W,N):- Maxkamada sare ee Somaliland ayaa waxaa ay maanta go,aan ka soo saartay dacwad uu u gudbiyay wasiir-xigeenka warfaafinta Maxamed Muuse Abees taas oo ka dhan aheyd go, aan ay guddiga doorashooyinku Xuseen_Axmed Caydiid ugu garteen inuu yahay masuulka ku fadhiisanaya kursigii uu baneeyay Alle ha naxariistee marxuum Ibraahim-kacaan.

Maxkamada sare oo toddobaadkii hore dhagaysatay dacwadaas ayaa maanta waxay soo saartay go,aan ay ku waafaqday go,aankaas guddiga doorashada ee ah inuu kursigii golaha wakiilada ka banaanaaday uu buuxiyo Xuseen Axmed Caydiid. Maxkamada sare ayaa go’aanka u gudbisay labadan siyaasi ee dacwadu ka dhaxaysay.

 

Halkan Hoose Ka Akhriso Go,aankii Maxkamada

 

 

 

 

 

Exit mobile version