WAJAALE NEWS

Madaxweynaha Dalka Djibouti Oo Soo Bandhigay Halka Uu Salka Ku Hayo Khilaafka Udhaxeeya Shirkadda DP World, Sheegayna In Ay Sidan Oo kale Ku Samayn Doonaan Dekedda Berbera.

HARGAYSA (W,N)  Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaacil cumar  Geele ayaa waraysi  waraysi gaar ah oo ay la yeelatay majalada caanka ah ee Faransiiska ku soo baxda ee Jeune Afrique, wuxuu si faah faahsan ugaga hadlay khilaaf udhexeeya dalkiisa iyo shirkada Emaaraadka carabta laga leeyahay ee DPW Isagoo soo bandhigay halka uu salka ku hayo iyo dacwad ay ku fureen dalkiisa

Sidoo kale madaxwayne geele ayaa waraysugan kaga hadlay arimo kale oo door iyo lacagta uu dalalka shisheeye kaga kireeyay saldhigyada ay ku leeyihiin Djibouti oo uu sheegay inaanay 10% ka ahayn.

miisaaniyadda dalkiisa. Madaxweyne Geele wuxuu kaloo sheegay inuu qaato mushahar ka yar midka ay qaataan wasiiradiisu.

Wargeysku, wuxuu Madaxweynaha weydiiyay khilaafka dalkiisa iyo shirkadda DP world, waxaanu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele yidhi “DP World weligeedna si run ah uma ay doonayn in ay horumariso dekedda Dooraaleh – Oo shaqada ay qabataa boqolkiiba 40 keliya ka noqonaysay inta ay qaban kari lahayd – sababta ay sidaas u yeelayaanna waa in ay xoojiyaan soo shaac bixidda dekedda Dubai, ee Jabal Cali. Waxa ay ku socotay in ay meesha ka saarto tartankii dekeddu ku jirtay iyada oo xakamaynaysa, iskuna soo koobaysa suuqa maxalliga ah iyo Itoobiya. Xitaa haddii ay noqonayo in markableyda shisheeyaha ee aadka u badan laga niyad jebiyo in ay dekeddayada soo booqdaan.

Sidaas oo kale ayaa ay ku sameeyeen dekedda Cadan, kuna samayn doonaan  dekedda Berbera iyo meelaha kalaba. Waa horumar dhaqaale oo iyaga oo keli ahi ay ka faa’iidayaan. Ma’ yeelayno arrintaas.”

Madaxweyne Geele isagoo ka hadlaya xidhiidho uu la sameeyay madaxda dalka Imaaraadka Carabta si xal looga gaadho khilaafka Djibouti iyo DP world, wuxuuse sheegay inaanay madaxda u saraysa Imaaraadka Carabtu u soo jawaabin, waxaanu yidhi “Shirkadda DP World waxaay dacwad cusub u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Garnaqista ee fadhigeedu yahay London oo hore u soo saartay xukun iyada u dan ah. Waxaay ka faa’iidaysteen xaqiiqda ah in heshiiska naga dhexeeya lagu dabaqayo xeerarka Ingiriiska oo aan aqoonsanayn wadaagista masuuliyadaha ka dhasha heshiisyada. Tanina waxaay ka mid tahay khaladaadka aanu galnay. Balse halka ay doonaan ayay aadi karaan, anaga nama cabsi gelin doonto. Waxaanu samaynay wax kasta si aanu u gaadhno xal labada dhinacba u dan ah; sanadihii 2016 iyo 2017 waxaan waraaqo u qoray Raysal Wasaaraha Imaaraadka, Sheekh Maxamed Ibnu Rashiid iyo Wasiirka Imaaraadka u qaabilsan Arimaha Debedda Cabdalah Ibnu Zaayid, iyo sidoo kale amiirka dhaxalka boqortoyooda leh Maxamed Ibnu Zaayid, si aanu dareenkooda ugu soo jeedino xal in la gaadho. Midkoodna wax jawaab ah ima siin! Maanta DP World waxaay ku hanjabaysaa inay dacwad ku oogayso dhamaan shirkadaha dekedaha maamula ee doonaya inay maal gashi ku sameeyaan dhulka Jamhuuriyadda, ha noqoto Dooraale ama meel kale ba. Tani waxaay muujinaysaa ilaa xadka uu heshiiskani khatar ku ahaa madax-banaanidayada. Waa dirqin (blackmail). Isuma dhiibi doono.”

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, wuxuu wargeysku weydiiyay inuu soo bandhigo lacagta uu saldhigyada milatari ee shisheeye uu kaga kireeyay Djibouti, waxaanu ku jawaabay “Waan ku siinayaa. 58 Million oo dollar sannadkii waa Maraykanka, 30 milyan oo euro waa Faransiiska, 20 milyan waa Shiinaha, 3.5 million waa Japaanka. Marka la isku daro xataa 10% kama aha miisaaniyadayda.” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Geele, wuxuuna intaas raaciyay inaanay Djibouti cashuur ka qaadin waxyaabaha ay wadamadani kala soo degaan aagga cashuuraha ka caagan ee dekedaha Djibouti, alaabtaas oo uu sheegay in haddii ay Djibouti cashuuri lahayd ay tobanaan goor ka badan lahayd lacagta saldhigayada lagaga kireeyay.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, waxa la weydiiyay mushaharka ay wasiiradiisu qaataan, waxaanu ku jawaabay  “Wuxuu qaataa 400,000 (Afar boqol oo kun oo Faranka Djibouti ah ) oo u dhiganta  2,248.00 US Dollar.

Waxa haddana Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele la weydiiyay bal mushaharka uu isna qaato ka madaxweyne ahaan, waxaanu isagoo qoslaya yidhi  “Waxaan qaataa 359,000 (Saddex boqol iyo sagaal iyo konton kun oo faranka Djibouti ah) oo u dhiganta 2017.58 US Dollar. Waa mushahar ka yar midka wasiiradayda..” sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele.

XIGASHO WARGAYSKA GEESKA

Exit mobile version