WAJAALE NEWS

Maayarka Magaalada Bristol Oo Si Weyn U Soo Dhaweeyey Siyaasi Cali Maxamed Warancade+SAWIRRO

Bristol (W,N)- Siyaasi Cali Maxamed Warancade oo maalmihii ugu danbeeyey ku sugnaa dalka UK ayaa maanta waxa soo dhawayn balaadhan u sameeyey Maayarka iyo  Golaha Deeganka ee magaalada Bristol ee dalka UK.

 

Soo dhawayntan Siyaasi Cali Warancade oo ahayd mid si heersare ah loosoo agaasimay ayaa waxa ay ahayd mid kulmisay dhamaan haldoorka iyo bulshada miisaanka leh ee Magaaladaasi Bristol.

 

Munaasibadan soo dhawaynta ah ayaa waxa ay ka qabsoontay Hoolka Shirarka ee Golaha Deegaanka ee Magaalada Bristol.

Qabanqaabada Munaasibadan soo dhawaynta ah ee ay Golaha Deeganka ee Magaalada Bristol ku qaabileen Siyaasi warancade ayaa waxa door weyn ka qaatay qabsoomideeda, Maayarka Magaalada Bristol Mayor Marvin Rice, Xildhibaan Hibaaq Jaamac , Safiirka Somaliland ee UK Amp. Ayaan Cashuur, Safiir Kuxigeenka Somaliland ee UK Amb.Daahir Tukaale iyo xubno kale oo kamida jahliyada Bristol ee reer Somaliland.

 

Siyaasi Cali Maxamed Warancade ayaa caawa kulan balaadhan layeelan doona Jaaliyada reer Somaliland ee Magaalada Bristol, Kulankan oo ka qabsoomi doona FUTURE INN Hotel ee magaalada Bristol.

 

Exit mobile version