Dani mar-walba waa u seeto ciddii dareen iyo damiir buuxa u leh; dantaasi oo u kala baxda mid ( qofeed, qoys qabiil iyo qaran ) intaba , heerka baaxada muga leh waxa uu yahay la haanshaha kartida la isku waafajin karo intaba.
Curiyayaasha dabka ritay ee geeska afrika ka aloosan sabankan ee baan-dhaynta marka ay timaado cuf iyo culeyskooda leh waxa ay yihiin: Markaad eegto: Tartanka dekadaha ee ka curtay xeebaha geeska afrika.
Markaad eegto: Guud ahaan siyaasadaha dhan-walba isku murugsan ee saameyntooda leh.
Markaad eegto: Hishiiskii 3 geesoodka u ahaa somaliland !! assaraarkii Somalia, daba-furkii Djabuuti iyo sudan.
Markaad eegto: Aqoonsi la’aanta Somaliland beesha caalamka ka haysata.
Intaasi oo dhamaan la isku ruxay sidii caano subag laga bixinaayo ; waxa muunad iyo muuq ahaan ba kuu soo bixi kara , sida tan:-
Dunida,Dawladaha iyo Danaha dawlad kasta rabto in ay u hirgalaan; ma jirto dan dal dadkiisu leeyahay oo uga tanaasula ama si cad ugu ill-duufa dano kale oo dal iyo dad kale leeyihiin!! Haday timaadna waa doqoniimo iyo wax aan biyana kaa maydhaynin.
Iyada oo sidaa xaalku yahay; hishiiskii 3 geesoodka u ahaa s/land waatii la wada ogaa wixii ka dhashay arinkaa ee geeska baroorta iyo qayladu is-xidhay illaa qaramada-midoobay; isla booqashadii u horaysay ee ra’isal-wasaaraha cusub ee itoobiya Abby axmed cali ku tagay jabuuti iyo suudaan intuba ku tallaabsadeen go’aamo xuladyo isku eeg oo ku aroora bixinta saamiyo waafi ah %51 dhanka jabuuti iyo %41 dhan suudaan oo ay itoobiya yeelato; sidaasna dan iyo door ba ay miciin bidaan iyadoo xaalku u eegyahay in ay tallo bideen u sibir-siibka saamigii Djabuuti iyo Suudaan ka horeeyey ee Somaliland siisay dawlada itoobiya %19 iyo si ka dhan ah in Somaliland biqilka lagu gooyo, Xal iyo xulasho fikirka u keeni kara aqoonsi buuxa s/land :
Dacar kasta haka qadhaadhaatee somaliland in ay albaabada u balaqdo wada-hadalka masiiriga ah ee Somalia saban iyo duruuf kastaba; maadaama oo ay dhamaan dawladahii dunidu noqdeen ( canaan ka yaab barito ku yimaada) oo ay mid waliba ku andacootay ( waan ku aqoonsane’ tolkaa horta ka soo bilow aqoonsiga oo dhankooda kala kaalay aqoonsi ).
Hadii la waayo oo quus iyo caalwaa xaalku noqdo, dhan walba dublamaasiyadu gamashido oo xadhigaasi xamar sinaba uga guntami waayo; horaa loo yidhi: ( walaal aan muuno iyo mushaawaro toona la hayn ma lihi baa dhaanta) ee ; in dawlada itoobiya mudo 20 sano ah la siiyo xeeb bilaash ah gaar ahaan AWDAL oo aad ugu dhaw itoobiya; si ay u yaraato baahida ay u qabto itoobiya dekado kale ee dalalka bada-cas ku yaala; iyada oo heerka mucaamadala la dhaafsanayo dhanka itoobiya tahay mid ujeedadiisu Somaliland u cadahay; qaadashada go’aankaa hortiina lag tallo galiyo maamulada Xamar iyo Djabuuti; ku dhiirashada qaadashada go’aan sidan oo kale u adag oo dani ku baday ah waxa ka dhalan kara ( deg-deg aqoonsi buuxa oo ka yimaada dhanka Somalia iyo Djabuuti) iyagoo ka ordaya dhanka kalana bidaya in aanay dani Djabuuti iyo Somalia ugu jirin xeebta Somaliland ee itoobiya gacanta u
Horaa loo yidhi : rag ciil kii cadaab ka dooray !! Hirgalinta go’aan kaas haday Somalia iyo Djabuuti ku digagaxan waayaan oo ay ku godlan waayaan, wax haboon in Somaliland si ku meel gaadh ah u noqoto ( Ethiopia ) go’aan kaasi ayaa hubaal ah in uu badhida dhulka ugu dhufanayo xamar iyo Djabuuti iyo waliba masar inta ay ugu yartahay; qadashada go’aankan horteedna laga tallo galiyo inta ay khusayso; si ay u bixiyaan aqoonsi buuxda; hadii kale si ay ku biiri doonaan dal-weynaha itoobiya oo ay kilin gaar ah noqon doonaan, isla markaana isla markaana ay noqon doonaan ra’isal wasaaraha itoobiya oo u baahan mareeg siyaasadeed iyo shaqo badan!! Djabuuti iyo Somalia iyo qaar badan oo kalana dana hoodu aad u saqiiri doonaan!! Dhanka kale Waa hubaal in mararka qaar ragganimadu meel cidhiiya ku jirto; oo wey kugu kalifaysaa wax aanad doonteen hadaad waxa aad doonayso samaan ku heli la
Gunaanad :
Carabtu waa dawlado fara badan oo midow iyo jimciyad leh, si markaad u eegto dhamaantood waa wada carab; hab fikirka, dhaqanka guud, iyo diinta intaba waynu kala simanahay, hadii la yidhaahdo carab oo dhami hal-dawlad ah ha noqoto suurta-gal maaha; hadaba si la mid ah waxa sax iyo qurux ah in soomaali noqoto 5 dawladood oo kala madax banaan oo wallaalo isgarabsado ah oo jimciyad guud leh; laf jab iyo uur ku taalo ayey Somaliland iyo shacabkeeda ku tahay 27 sano oo aqoonsi la’aan iyo go’doon dunida kaga jirto iyadoo tolkeed oo aqoonsan karaa hareeraha ka xigaan!! taasi waxa ay ku imanaysaa tahayna sida sharafku ku jiro Somaliland oo Somalia iyo Djabuuti labaduba si buuxda hadh cad u aqoonsadaan si ay dunida inteeda kalana u aqoonsadaan insha’allah.
Dr.khadar -Libaaxley
dr.khadar05@gmail.com
gargorey4@gmail.com
Regional political analysts