WAJAALE NEWS

UCID ma Faysal baa mise waa Jamaal ? Waa qalinki Khadar ofo.

Hadaan tusaale idin siiyo waxa dhacday dhowr jeer inuu Faysal Cali uu ka qayb galay urur weynaha ” The socialist international ”

Hadaan maqaalkan ku bilaabo su”aal an toos idin waydiyo oo aniga runti shaqsi ahaan tayda inbadan aan is waydiiyay oo ah : Xisbiga ucid ma mid siyaasada
“middigta” mise “biddixda” u janjeedhaa ?

Runtii waa arin aan aad ugu wareeray waayo labada

masuul ee ilma Cali , ( waa Jamaal Cali Xuseen iyo Faysal Cali waraabe ) ayey aad ugu egtahay iney ku
kala duwan yihin aragtida siyaasadeed e xisbigooda.

Mid waxaad moodaa waa Faysale inuu u janjeedho dhinaca “biddixda” ama lagu yidhaahdo afafka reer galbeedka ” social democrats” .
Hadaan tusaale idin siiyo waxa dhacday dhowr jeer inuu Faysal Cali uu ka qayb galay urur weynaha ” The socialist international ” ururkaasoo ay isugu yimaadaan in ka badan boqol xisbi siyaasadeed oo aduunka dacaladiisa kakala socda.

Hadaba waa su”aale maxay tahay qodobada siyaasadeed ee ay aad u tix geliyaan xisbiyada dhinaca biddixda u janjeedha ama socialistika ah?
waxay tix geliyaan inay ilaha dhaqaalaha iyo wax soo saarka gacanta dawlada ku jiraan taasoo macnaheedu yahay wax “privatisation” ah inaanu jiri karayn
(sida shirkadaha waa wayn ee hoos yimaada dawlada )
inay cashuur xoogan ama aad u buuran laga qaado shacabka gaar ahaan ganacsatada.
hadaba labadan qodob siyaasadeed ee xisbiyada biddixda u janjeedha ay tix geliyaan ayuu musharaxa xisbiga ucid jamaal cali hadalo lid ku ah
warbaahinta ka siidaayaa.

jamaal cali sidaan wada ogsoonahay waa nin bankers ah oo siyaasada middigta u janjeedha ama “liberal” ah taasoo macnaheedu yahay
inay dawladu wax lug ah ganacsiga iyo ilaha dhaqaalaha ay raad ku yeelan.

hadaba su”aashu waxay tahay labada nin waa ilmo caliye sidee ayay dalka u hogaamin rabaan.
runtii faysal iyo jamaalba fikirkooda siyaasadeed aad ayuu u kala fog yahay.

Ujeedada qoraalkan waxay tahay shacabka Somaliland hoos ma u eegaan policyka ama fikirka siyaasadeed ee xisbiyada
qaranka Somaliland , mise qabyaalada ayaa kala waynaatay .

Waad mahadsantihin
Khadar ofo
tel: 004673688910
e-mail : eusso@live.se

Exit mobile version