WAJAALE NEWS

DAAWO “Waxaanu u Aragnaa Dadka Aanu Jaarka Nahay Ee Reer Puntland Inay Yihiin Dad Gob ah Oo Xariira, Madaxwayne Muuse Biixi.

HARGAYSA(W,N) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda ka jeediyey hadal dhinacyo badan taabanaya, ayaa ugu horrayn shacabka reer Somaliland ku bogaadiyey munaasibadda 27-aad ee kasoo wareegtay xorriyaddooda, isaga oo si gaar ah u bogaadiyey ciidamada qaranka ee ku hawllan difaaca qaranka, waxaana uu yidhi, “Shacbiga Somaliland meel uu joogaba waxaan leeyahay, hambalyo sanad-guurada 27-aad ee kasoo wareegtay maalintii lala soo noqday xorriyaddii Somaliland. waxaan si gaar ah u hambalyeynayaa ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland ee naftood hurayaasha ah ee dalka difaaca, cadow kasta oo kusoo hunguroodana cashar u dhiga ee maalintii ugu dambaysay dalka dhiiggooda u huray, umadda Somaliland way idiin ogtahay, taariikhdana baal dahab baad ugu qoran tihiin.”

Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu ka hadlay xaaladda deegaanka Ceel-afweyn, waxaana uu shaaciyey inay xukuumad ahaan gacan bir ah u qaban doonaan cid kasta oo isku dayda fadqalalada nabadda iyo ammaanka, “Waxaan intaas raacinayaa in laga wada qaybqaato sidii loo joojin lahaa dagaalka Ceel-afweyn, dadka dagaallamaayaana wax Allah iyo wax ay ku dagaallamayaanna la garan waa, shaydaan baana ka dhex booday, xukuumad ahaanna waxaanu fulinaynaa wax kasta oo ay ku kacayso in nabadda lasoo celiyo,  nin kasta oo nabadda ka hor yimaadda waanu la dagaallamaynaa, marka hore waanu u digaynaa, waanu qabanaynaa waanu xidhaynaa, hadduu dagaallomana waanu la dagaallamaynaa oo nabadda

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA MADAXWAYNAHA;

Exit mobile version