“Muxuu Wasiirku u Cuskaday Ama Muxuu ku Saleeyey Waa Arrin la Is waydiin Karo, Waxaan Leeyahay Ganaaxaas Wax Badan Ayaa ka Muuqda Oo Ugu Yaraan Waxa ka Muuqda Arxan darro , Cadho Gaamurtay Iyo Ciilqab Hore” Sheekh Xasan Cabdisalaan,
HARGAYSA(W,N) Guddoomiyaha Shirkadda Shidaalka ee RED SEA Sheekh Xasan Sheekh Cabdisalaan, ayaa jawaab ka bixiyey hadalkii ka soo yeedhay wasiirka wasaaradda ganacsiga Somaliland ee uu ku eedeeyey shirkaddaasi inay tahay shirkadda shidaalkii xumaa dalka keentay Isla markaana ganaaxa lacageed lagu riday, waxaanuu sheegay guddoomiyuhu in masuuliyadda baadhitaanka shidaalkaasi uu lahaa laabka shidaalka ee berbera yaalla oo isagu baadhay sheegana in uu shidaalkaasi sax yahay oo uu Buuxiyey shuruudihii looga baahnaa.
Xasan Sheekh Cabdisalaan oo warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargeysa, ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in ganaaxa lagu riday shirkadooda aanu ahayn mid sifo sharciga waafaqsan loo maray, balse uu yahay go’aan uu wasiirka ganacsigu iska gaadhay, isla markaana ay sharciga ka mari doonaan ganaaxaasi oo haddii hay’adaha sharcigu ku cadeeyaan ay qaadan doonaan haddii kalena aanay qaadan doonin.
https://youtu.be/NCMbP27q3yI
Guddoomiyaha Shirkadda Shidaalka ee RED SEA Sheekh Xasan Sheekh Cabdisalaan oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Yaa xaq u lahaa inuu qabto, yaa xaq u lahaa oo aqoonteedaa iyo takhasuskeeda lahaa oo ay ahayd inuu yidhaahdo shidaalkaasi dhibaato ayuu inoo keenayaaye joojiya, runtii taasi anaga shaqadayada may ahayn waxa lahaa shaqadaas laabka oo isaga ayaa baadhay, ka dibna waxa uu noo soo qoray qoraalka uu leeyahay baadhitaankaas lagu sameeyey shidaalkan waxa uu waafaqsan yahay shuruudihii laga ogolaa shidaalka berbera imanaya, haddii dhubaato ka timid cidda masuuliyadaas leh wa’ayo ee aqoontaas leh, aniga masuuliyadda ii taallaa waxa weeyaan shidaal shuruudahaas leh keen, shidaalkii shuruudahaas lahaana waan keenay, cidda odhanaysa shuruudihii wuu waafaqsan yahay laakiin dhibaato kale ayuu wataa waxaan qabaa in uu Laabka yahay cidda masuuliyaddaas lihi, shidaalkaas waxa la baadhay bishii March lixdeedii waxaanuu degay bishii April tobankeedii oo bil iyo badh ayuu taagnaa, haddii markii u horraysay uu laabku odhan lahaa shidaalkan kaayso nama anfacayee waan kaxaysan lahaa ganaaxuna intaas ayuu ahaan lahaa”
Sheekh Xasan Sheekh Cabdisalaan oo ka hadlaya ganaaxa lacageed ee lagu xukumay shirkaddiisa RED SEA waxa uu yidhi “Maaha qof inta uu keligii inta uu noqdo eer ilaaliyihii iyo qaadigiiba uu xukunka soo oogo, ganaaa meesha yaallana anaga cidi waraysi nagama qaadin maxkamadna naguma xukumin, ismaanaan difaacin miyaanaan xaq u lahayn inaanu is difaacno oo aanu doodno, waxa weeyaan anigaa ku xukumaya anigaana ku eedaynaya oo go’aan kuu gaadhaya, eerka laguu xuskaday se muxuu yahay waxaan maqlayey guddida tayada ayuu xeer u yaallaa kaasina mid aanu anagu wax ka ogayn ama wax nalooga sheegay ma ahayn, xeerkaasina waxa uu ku saabsan yahay waa wax la is waydiin karo, golaha wasiirada go’aankii ka soo baxay waxa uu ahaa shirkaddaas waxa la marsiin doonaa tallaabo sharciga waafaqsan, waxaanu filaynay in sharciga la waafajiyo oo hay’adaha sharciga la mariyo, laakiin in go’aan uun siaka socda muxuu wasiirku u cuskaday ama muxuu ku saleeyey waa arrin la is waydiin karo, waxaan leeyahay ganaaxaas wax badan ayaa ka muuqda oo ugu yaraan waxa ka muuqda arxan darro iyo cadho gaamurtay iyo ciilqab hore aan idhaahdee, markaa ganaaxaas sharciga ayaanu ka maraynaa oo haddii uu sharciga dalka u yaallaa na qabadsiiyana diyaar ayaanu u nahay, haddii aanu na qabadsiininna diyaar uma nihin” ayuu yidhi Sheekh Xasan Sheekh Cabdisalaan .