WAJAALE NEWS

Ciidammada Shiinaha Ee Jabuuti Jooga Oo Lagu Eedeeyay In Ay Kuwa Maraykanka Shiishaan

Hargaysa (W,N):- Dawladda Maraykanka ayaa si rasmi ah cabasho ugu gudbisay dawladda Shiinaha ka dib markii marar kala duwan la shiishay oo shucaac lagu qabtay duuliyeyaasha Maraykanka.

Shucacaas ayay sheegtay in lagaga soo shiishay saldhiga ciidammada Shiinuhu ay ku leeyihiin Jabuuti.

Wasaaradda gaashaandhigga ee dalka dalka Maraykanka ayaa Shiinaha ka codsatay in ay badhitaan ku sameeyaan arrintaas oo dhibaato ku haysa duuliyeyaasha Maraykanka.

Wasaaraddu waxay sheegtay in dad ku sugan Jabuuti ay Shucaaca ay milatarigu wax ku shiishaan ku qabteen duuliyeyaasha Maraykanka ee soo cagodhiganaya.

Hal dhacdana labo duuliye oo waday diyaarad xamuul ayuu dhaawac sahlan ka soo gaadhay indhaha ka dib markii shucaacaas lagu soo shiishay, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Ma cadda ujeedada laga lahaa shiishka

Maraykanka ayaa xarun milatari ku leh dalka Jibuuti wuxuuna u adeegsadaa hawlaha argagixiso ladagaalanka ee Afrika iyo Bariga Dhexe.

Sannadkii horana Shiinaha ayaa Jabuuti ka furtay xaruntii milatari ee markii u horraysay uu ku yeesho meel ka baxsan dalkiisa, waxayna dhawr kiiloo mitir u jirtaa saldhigga Maraykanka.

Waa dhacdooyin aad halis u ah, dawladda Shiinaha ayaana ku wargalinay kana codsanay in ay baadhitaan ku sameeyaan, ayay tidhi Dana White oo ah afhayeen u hadashay wasaaradda gaashaan dhigga ee Maraykanka.

White waxay sheegtay in wasaaradda gaashaandhiggu ay ku kalsoon tahay in shucaaca lagu soo shiishay uu ka yimid muwadiniin Shiinaha u dhashay, balse aysan caddayn ujeeddada laga lahaa.

Toddobaadyadii u dambeeyay in ka yar toban jeer ayuu shiishkaasi dhacay, ayay tidhi

Illaa iyo hadda Shiinuhu kama uusan hadlin eedaymaha loo soo jeediyay.

 

Exit mobile version