WAJAALE NEWS

Weftigii Ka Socday Baarlamaanka Ingiriiska Oo Booqday Jaamacada Hargeysa+Sawiro

Hargeysa (W,N):- Weftigii ka socday baarlamaanka dalka Ingiriiska ayaa maanta booqasho ku tagay xarunta jaamacada Hargeysa waxaana waftigan qaabiley maamulka jaamacada Hargeysa iyo xubnaha guddida sare ee maamulka Jaamacada.

 

Weftiga ka socda baarlamaanka dalka Ingiriiska ayaa waxa xarunta jaamacada Hargeysa ku qaabilay gudoomiyaha jaamacadaasi Dr. Maxamed Yuusuf Cismaan, ku xigeenka jaamacada Maxamed Cali Xirsi, agaasimaha xidhiidhada ee jaamacada Maxamed sulub iyo xubnaha sare ee maamulka jaamacada Hargeysa.

Masuuliyiinta kala duwan ee jaamacada Hargeysa ayaa weftiga ka socda dalka Ingiriiska warbixin ka siiyey  hawlaha ay haatan jaamacadu

qabato iyo heerka waxbarasho ee ay taagan tahay, iyaga oo xusay inay tahay jaamacada ugu waxbarashada fiican dalka somaliland isla markaana ay arday tayadooda waxbarasho ay aad u sarayso ka soo baxaan sanad kasta.

Maamulka jaamacada Hargeysa ayaa weftiga ka socda baarlamaanka dalka Ingiriiska waxay kormeer ku soo tuseen qaybaha ugu muhiimsan ee jaamacada Hargeysa sida Laboratory,  Studio-yaha iyo qaybo kale.

 

Jaamacada Hargeysa ayaa noqotay jaamacadii ugu horaysay ee ay booqasho iyo kormeer ku soo maraan Weftiga ka socda baarlamaanka dalka Ingiriiska.

 

 

Exit mobile version