WAJAALE NEWS

Wararkii Ugu Danbeeyay Diyaarad Siday Lacag Malaanyiin Dollar Oo Lagu Qabtay Madaarka Muqdisho.

MUQDISHO (W,N) Madaarka Diyaaradaha Ee Magaalada Muqdisho Ayaa Waxaa Galabta Soo fadhiisatay Diyaar Laga Leeyahay Dalka Isku taga Emaaradka Carabta  oo lagu qabtay Lacag Malaayin Dollar ah oo ay Siday Taasi oo Sida ay sheegeen ciidamada madaarku la helay lacag saarnay halkaasina ay ciidanku kula Wareegeen,

Wararka ayaa Intaa ku daraya  in diyaaradan oo ka timid dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta la socdeen saraakiil ka tirsan Imaaraadka, waxaana saarnaa oo lagu qabtay sida ay xaqiijinayaan ilo xog-ogaal ah cadad lacageed oo dhan $ 9,600,000 ( Sagaal Milyan iyo Lix Boqol oo kun oo dollar )

Tuhunka ayaa yimid kaddib markii uu muran ka dhashay baadhitaan diyaarada lagu sameyn lahaa oo ay is hortaageen diblomaasiyiin ka tirsan safaarada Imaaraadka oo ku sugnaa garoonka kuna doodeen in ay leeyihiin xasaanad, sidaa daraadeed la baadhi karin waxa ay diyaaradu sido.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid si rasmiya  u xaqiijisay halka ay lacagtan ku danbeysay iyo in ay la wareegeen laamaha Amniga dowladda iyo in kale marka laga soo tago oo kaliya in  la qabtay.

Dhinaca kale Hiiraan Online ayaa heshay warqad qoraal ah oo uu  ku saxeexnaa taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Cabdiwali Jaamac Xusseen Gorod oo  looga codsanayo maamulka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde in loo ogolaado lacagtaa in ay garoonka kala soo baxaan maamulka iyo saraakiisha dugsiga tababarka Gordan lacagtaa oo loo isticmaalayo raashinka iyo mushaharka ciidamada xoogga dalka oo ay tababaraan Imaaraadku,

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan lacagtan oo laga war hayay inay ka soo dageyso garoonka diyaaradaha Muqdisho.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

 

Exit mobile version