WAJAALE NEWS

War Deg Deg Ah: Wasiirkii Hore Gaashaandhiga Soomaaliya Oo Loo Doortay Guddoomiyaha Cusub Ee Baarlamaanka

Muqdisho (W,N):- Wasiirkii hore ee wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa helay codad gaadhaya 147, halka musharaxa Ibraahim Isaaq Yaroow uu helay 118 cod.

 

Hore ayaa u muuqatay doorashadan in loo siidaaliyay, iyadoo dad badan sii hadal hayeen in uu doorashada ku soo bixin doono Maxamed Mursal oo hore u ahaa Wasiirkii Gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya oo markii danbe is casilay.

 

Guud ahaan doorashadan waxaa ku tartamay 10 musharax oo ka tirsan Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoon wareegii labaad ay isugu soo hadheen Afar Musharax, laakiin markii danbe ay tanaasuleen Labo musharax, taasoo keentay in ay isugu soo hadhaan labada musharax Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Ibraahim Isaaq Yaroow oo looga adkaaday 29 cod.

Exit mobile version