WAJAALE NEWS

War Deg Deg Ah: Maxkamada Sare Jsl Oo la Filayo In Ay ku Dhawaaqdo Cida Buuxinaysa Booskii Xildhibaanimo Ee ka Banaanaa Golaha Wakiilada!

Hargeysa (W,N):- Wararkii Ugu Danbeeyay ee Ka Soo Baxaya Maxakamada Sare ee Somaliland ayaa waxa ay sheegayaan in ay heleen Cida xaqa u leh buuxinta Kursigii uu muranka u ka taagnaa ee Golaha Wakiiladda Somaliland, kaas oo u dhaxeeyay Xuseen Axmed Caydiid iyo Maxamed Muuse Abees.

 

Warar soo gaadhaya Shabakada Wararka ee Wajaalenews.net ayaa waxa ay sheegayaan in Maxkamada sare ay saaka u yeedhay Siyaasi Xussen Axmed Ceydiid isla markaana ay ku war galisay in uu kursigan uu isagu xaq u leeyahay isla markaana loo dhaarin doono.

 

Sidoo kale Maxkamada sare ayaa Xussen Axmed Ceydiid ku war galisay sida ay wararkanu sheegayaan in maalinta Khaamista ah la dhaarin doono, Iyadoo Mudadii 14 cisho ee  ay waajib ahayd in  lagu buuxiyo kursigan ka banaanada golaha wakiilada Somaliland ay ku eeg tahay isla khamiista .

 

 

Wariye: Xamse Jirde

Wajaalenews.net

Hargaysa Office

Exit mobile version