Dhinaca Sooyaalka Somaliland mansabyadeeda ugu sareeya hadaan u galo taariikhdooda , Horta Qaranka waxa loo qaybiyaa
Waxa soo if-baxayey maalmahan danbe bar-tilmaameed ku aadan labada kursi ee Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka Sareeye-gaas Nuux Ismaaciil Taani iney isku hayb yihiin labadan masuul, balse mufakiriinta arintaasi waxaaney xisaabta ku darsan iney labadan masuul ku kulmeen shaqada qaranka jamhuuriyada Somaliland oo wax curfi ama qaraaba-kiila aaney ku wada shaqayn, Somalilandna meel wanaagsan bay mareysaa kumana haboona kala qaad-qaad iyo kala qoqob bulshadeeda la dhex dhigo.
Dhinaca Sooyaalka Somaliland mansabyadeeda ugu sareeya hadaan u galo taariikhdooda , Horta Qaranka waxa loo qaybiyaa saddex qaybood oo kala ah (Excultive Council , Golaha Fulinta- Waana Madaxweynaha iyo Golahiisa Xukuumada), (Legislative Council, Golaha Sharci-dajinta – Waa Barlamaanka iyo aqalka Guurtida oo waliba Xeerka qeexaya Dastuurka qodobka uu ku leeyahay golahani Awooda siiyo Guurtida,), (Juditiary Council, Golaha Garsoorka Maxamada Sare , Iyo Maxakamada Dastuuriga ah),
Markaa horta xilelka Qaranku waa kuwaa wixii intaa ka sokeeya ma,aha kuwo miisaan dastuuriya leh, Midna ku darsadoo kursiga Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland ee hada Sareeye-gaas Nuux Ismaaciil Taani Hayo waa digteero Madaxweyne ma,aha Digreeto dastuuriya oo golaha sharci-dajintu awood dastuuriya ku naaqisho sida Gudoomiyaha Maxakamada sare, Wixii digreeto Madaxweyne ah waa golaha fulinta markaa cida ku soo meeraysanaysa waxaan leenahay adeer qarankaa loo shaqaynayaa waana waajib inaan loo joojin cidna oo hore loo socdo.
DHinaca xisaabta soomaalida ee saami qaybsiga hadaan ka eego dalka waxa hada xilka ka dagey Madaxweyne Siilaanyo isagoo hogaamiyihii dalka ugu sareeyey ah waxa isna Qaranka u shaqaynayey Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland( Saleebaan Maxamuud Aadan) oo ay isu hayb ahaayeen, Waxa taasi ka sii horeysay dawladii Marxuum Madaxweyne Cigaal oo isagoo madaxweyne ah uu Golaha Guurtida Joogay Sheekal Baladkii ( Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Mader), Iyo waliba isla janenka ciidanka Qaranka oo ahaa Allaaya Raxmiye General (Xasan Yoonis Habane).
Sidaa darteed maanta waa la shaqeynayaa qarankaa la horu-marinayaa markaa waa in handidaada laga daaya Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland (Mudane Muuse Biixi Cabdi) Xukuumadiisa iyo hogaankiisuba midna maanta dhaliil uma qalmo , Soomaalidaa tidhaahda (Indhihii Bakoora Qabaa Cadceeda Ma Arkaan) , Waxa kuwii hore lagala xishoodey waa inaan lagula soo hagaagin Madaxweynahan shaqeynaya oo aan laga hakin dariiqa saxda ah ee cagta saarey, Tani taliyuhuna waa nin karti leh oo isaga qaranku ka maarmi waayey waa (Milatery Leadership) taasibaa u saamaxdey inuu hago ciidanka ama hogaamiyo ma,aha nin iska yimidey balse haybad iyo garasho aqoon buuxda oo ciidan ayuu Taliye ku yahay Sareeye-gaas Nuux Ismaaciil Taani.
Ugu danbayn waxaan soo jeedinayaa in laga daayo tooshka cambaarta masuuliyiinta karti iyo awooda shaqo leh ee Qaranka u adeegaya Garasho lagu tuhmey awgeed waad ogtihiin dawladan inta badan ma jiro masuul bilaa (Proffesional ah) oon ku haboonayn shaqada uu hayo, Midna waa dib u socod eraygii shalay ku haboonaa maaha in maanta la keeno waxaasi waxa la yidhaa xaasidnimo ama (Dirty Game), Qarankana maanta halkaa wuu ka gudbay labadaa Hanadee Qaranka usoo baxaney haloo duceeyo oo halala shaqeeyo markaasaan heer mudanaynaa.
Igama aha Eex iyo qaraabo-kiil Qormadani balse wixii qaladan waligay baan sixi jirey waliba dhinaca qalinka , Xaaladaha dalkana waan falanqeeyaa hadba kadertii la marayo, Markaa maanta xilkaygii qalin ayaan gutey umaan hiilin Masuuliyiinta Qalinkuna malaha arimaha noocaasa waa xaqiijiye ama cadeeye.
Qalinka:C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).
Diplomatic Annalism.
Gabiley/Somaliland.