Marka la eegayo juquraafiyada dunida berberi waxay ku talaa badda cas waa dacalka konfureed ee qaarada Africa waa xudun isku xidha Qaaradaha Asiya iyo Africa, waxay xuduud biyood la leedahay Gacanka Cadmeed iyo Badwaynta Hindiya waana marin biyood muhiim u ah markiibta uu kala gooshaysa dunida kuwooda xamuulka iyo ganacsiyda.
Sida lagu daabacay warbahinta caalamaka waxa lagu sheegay in wadamo badani danaynayaan sidii ay saldhigyo milteri uga samaysan lahaayeen qaar ka mid ah xeebaha Somaliland sida Berbeara iyo Saylac, Sida warbaahinta dunidu faaqiday wadamadaas waxa ka mid ah Ruushka iyo Masar taas oo aynu hore ula soconay in Emiratku bilaabay dhismahiisa saldhiga military ee Marsada Berbera oo wali Socda.
Haddab waxa dhowan mareegah wararka iyo warbaahinta noocaydeeda kala duwan iiga muuqanayay Bulshoweynta somaliland oo dareeno kala duwan ka celiyay aragtiyahooda ku aadan damaca wadamadan cusub muhiimada ay Somaliland wakhti xaadirkan u leedahay saldhig military oo Xeebaha Somaliland laga yagleelo.
Macanah saldhig milatri waa deggal ama bogcada laga fulliyo arrimo iyo ujeedooyin wadan gaari leeyahay sida Tababaro Ciidan, Diyaarinta Saanad Military iyo Weerar cidkasta iyo wadankaas
Haddaba hadii ay dhab noqoto in wadanka laga siiyo dawladaha shisheeye saldhigyo ciidan maxa laga dhaxli karaa waa su’aalah ka dhex guuxay quluubta shacbiga Somaliland, sidoo kale saameyn nooce ah ayuu ku yeelan karaa bulashdeena Somaliland sida ka muuqata warbahahinta noocaydeed waxa laga dheehanayay in dalka masar uu wafti uu soo direy Somaliland kuwaas oo isgu jiray diblomasyiin iyo saraakiil ciidan oo ilaa xeebaha Somaliland safar ku tagay.
Waxaynu qiyaasi karnaa Sababta masar wakhti xaadirkan ugu soo beegtay doonisteeda salidhiga xeebaha Somaliland inay tahay muranka iyo xifiiltan xoogan ee biyaha niilka oo ee u dhaxeeya wadamada Ethiopia iyo Masar, murankaas oo uu gaas kusii shiday masar markii Ethiopia ku dhawaaqday innay sanadkan 2020 gudihiisa dhamaystirayso biyo xidhiinka ay ka samaynayso wabiga Niilka
Ethiopia waa wadan aynu leenahay xuduud dheer oo dhul ahaneed isla markaana uu inaga dhaxeeyo xidhiidho soo jiireen ah sida dhanka ganacsiga, iskaashiga nabedgeliyada labada wadan, waxbarashada iyo isku tiirsanaan bulsho mid dhaqan iyo mid dhaqaale.
Hadiiba ay suurto gal noqoto in saldhiga milteri la siiyo dalalka danaha gaarka ah leh waxa aynu ka dhaxli doona maxsuul laba mid uun ah.
Waa ka hore oo noqon karaa in uu noqdo ibofur dhaqan dhaqale iyo is dhex gal bulsho. Iyo in uu kor u qaado muraayada dawaldnimo iyo inuu noqdo goob indhaha caalamka ku soo jeedisa dalkan yare e curdinka ah ee mudada doonayay ictiraafka caalmiga ah,
Ta labaad oo noqon karta cawaaqib tabban oo dib uu dhaca ku keena masiirkii umada oo noqon karata dagaal qaawan oo lagu soo qaado dadka iyo dalkab taas oo ayanaan lahayn istiraajiyada lagu muquunin karo quwadaha caalamiga ah.
Waxa dhibaato inoogu filan iyado xududka dhuleed ee aynu la wadaagno wadanka aynu jaaranka nahay ee ethoipia xidhmo taas oo aynu si toos ah iyo si dadbanba aynu iskugu tiirsanay.
Dhanka kale waxay hurin kartaa colaado iyo degaalo sokeeyo oo ku noqon karaa dawladnimadeen iyo dadkeen dhiig baxa iyo mashaqo iskugu jirta hagardaamoyin iyo dib uu dhaca bulsheed.
Sida ku cada shuruucad wadamda marka heshiisa laba geesood ah la gallayo khubarada dunidu waxay ka eegtaa mahadhooyinka laga dhaxali karo wakhtiga iyo kuwa jiilasha xigaa majiiran doonaana.
Qormadayadani waxay hordhaca iyo ibofur uu tahay qoraalo is xiga oo aynu diirada ku saari doono arinkan masiirga ah ee dalabka dawladahan shisheeye..
La soco qeybah xiga ………………….
W/Q: Nim’aan Adaani Husien
Master of Science in Project Management (M.S.P.M.)
Geopolitics analyst free Author
Bachelor science of public health
Cadaani123@gmail.com
Hargiesa Somaliland