WAJAALE NEWS

Madaxweynaha Somaliland Oo Hortiisa Lagu Dhaariyey Hanti-Dhawraha Guud+Sawirro

Hargaysa (W,N):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa maanta hortiisa lagu dhaariyey Hanti-dhawraha guud ee Qaranka, Mudane Axmed Yuusuf Dirir, iyadoo uu dhaariyey guddoomiye ku xigeenka, ahna ku-simaha guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dastuuriga ah ee Somaliland, Garyaqaan Maxamed Cumar Geelle.

 

Hanti-dhawrka guud oo ay shalay ansixiyeen golaha wakiillada Somaliland, ayaa maanta madaxweynaha hortiisa lagu dhaariyey si uu u guto waajibaadkiisa shaqo, madaama oo uu ka gudbay shuruudihii looga baahnaa ee dastuuriga ahaa.

Exit mobile version