WAJAALE NEWS

DAAWO; Qorshihii Wado Banaynta Magaalada Tog Wajaale Oo Waji kale Yeeshay Iyo Maamulka Oo Bilaabay Arimo Khilaaf Culus Abuuray+ Ganacsato Baaq Udiray Xukuumada.

Ganacsatada Iyo Dadwaynaha  Reer Wajaale  Oo Sida Fiinta Uga Qaylyay Qorshe Maamulku Bilaabay Iyo  fariinta Ay Udireen Madaxwaynaha Jsl.

TOG WAJAALE(W,N) Magaalo Ganacsiyeedka Tog Wajaale ayaa Mudooyinkii udanbeeyay Waxaa ka socday Qorshe lagu Banaynayo Jidadka  Gudaha Magaalada kaasi oo ay wadeen Gudi uu Madaxwaynuhu uxil saarnaa Taasi Oo xiligan Qorshahaasi uu yeeshay Waji kale  Abuuray khilaafyo culus kadib markii  Meelo aanay wadadu maray lagu leexiyay wadada  xiligan  iyadoo arintan lagu eedeeyay maamulka oo uu horkacyo maayarku.

Qorshaha lagu Banaynayo wadooyinka magaalada Wajaale ayaa xiligan waxaa soo food saartay mad madow badan kaasi oo bulshada ku dhaqan magaaladu iyo ganacsatada qaar ay sida fiinta uga qaylyeen talaabadan oo maanta Maamulku ka Bilaabay magaalada

Bulshada Wajaale ayaa madaxwaynaha Somaliland Ugu baaqay in Uu Deg deg Wax Uga Qabto Talaabadan oo ay sheegeen in ay Abuurki karto Arimo Abniga Waxyeela,

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA DADWAYNAHA IYO GANCSATADA OO FARIIN CULUS UDIRAYA MADAXWAYNAHA.

Exit mobile version