WAJAALE NEWS

257 Qof Oo Ku Geeriyooday Shil Diyaaradeed Oo Ka Dhacay Dalka Algeria

Hargaysa (W,N):- Dadka ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay dalka Algeria ayay tiradooda gaadhay illaa 257 qof , sida ay xaqiijiyeen saraakiisha dalkaasi.

 

Diyaaradda waxa ay ahayd mid militari, waxayna soo dhacday kaddib markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha millitariga ay leeyihiin oo lagu magacaabo Boufarik oo ku yaalla galbeedka magaalada caasimaadda ah ee Algiers.

Weli waxaa socda baadhitanno, madaxweynaha Algeria Cabdelcaziz Bouteflika ayaa waxaa uu ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroordiiq ah.

Inta badan dadka ku dhintay shilkan diyuuradeed ayaa waxay yihiin ciidan millitari iyo qooysaskooda, 10 qof rakaab ahaa ayaa sido kale ku geeriyooday shilka, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee dalkaasi.

 

Diyaaraddan Ilyushin Il-76 ayaa waxay kusii jeeday magaalada Bechar koonfur galbeed dalka Aljeriya,Diyaaradda ayaa la qorsheeyay inay ku degto magalaada Tinouf oo ku taalla xadka Morocco iyo deegaanka xadka lagu muransan yahay ee western Sahara.

Exit mobile version