WAJAALE NEWS

Xarunta Cilmi Baadhista Africa Oo Sheegtey In Aanay Somaliland U Baahnayn Wada-hadalka Somalia.

Hargeysa, (W,N) Xarunta Cilmi Baadhista Africa ee fadhigeedu yahay magaalada Hargeysa ayaa sheegtey in aanay Somaliland u baahnayn wada hadal ay la gasho Somalia, balse taasi bedelkeeda ay xaq u leedahay inay ururada iyo hay’adaha caalamiga ah u qoroto dalabka ka mid noqoshada. “Somaliland uma baahna inay wada hadal la gasho Somalia, Sababta oo ah ma jiro midaw sharciyeed oo dhexmaray Somaliland iyo Somalia, mana jirto dawlad magaceeda la yidhaahdo Somalia oo weligeed madax banaanaatay amaba si sharci ah ula midowday Somaliland” Sidaasi waxa yidhi Gudoomiyaha Xaruntaasi Suldaan Xasan Suldaan Nuur Askar oo u waramayay Hargeysatoday.com.

Waxaanu intaasi ku daray oo uu yidhi. “Somaliland waxay ahayd dal madax banaan weligeed, tusaale ahaan sida ku qoran Buuggaagta Yearly Book-ga ee Qaramada Midoobay ee soo baxayay intii u dhaxaysay 1960-1969-kii, www.legal.un.org/ilc/publications/yearbooks/english/ilc_1968_v2.pdf  waxay cadaynayaan in aanay jirin midnimo sharciyeed oo dhexmartay Somaliland iyo Somalia,  intii wixii ka dambeeyeyna kelidii taliyihii hore ee Somalia, Maxamed Siyaad Barre ayaa xoog kula wareegay awoodda, ilaa 1991-kii ay dadka reer Somaliland markale xoog kula soo noqdeen madax banaanidooda”.

Waxa Kale oo uu Gudoomiyaha Xarunta Cilmi Baadhista Afrika sheegey in waxa ka dhaxeeya Somaliland iyo Somalia ay tahay dawladnimada Somaliland. “Sida ku qoran qoraaladda xarunta ganacsiga adduunka ee sannadihii lixdamaadkii dawladda Talyaaniga ayaa masuul ka ahayd haykalka ganacsi ee Somalia, isla markaana  sharci ahaan madax banaanidoodu waxay ku tiirsantahay Talyaaniga, eeg https://www.esteri.it/mae/cerimoniale/cerimoniale/pdf/1.%20appendice%20normativa%20(marzo%202014).pdf  .”

Waxaanu intaasi ku daray, “marka laga hadlayo heshiis ganacsi cida geli karta iyo cida aan geli karin Jamhuuriyadda Somaliland cid walba way la geli kartaa heshiis ganacsi, iskaashi iyo mid walba marka laga reebo Somalia, , sababta oo ah Somalia ma geli karto heshiis ganacsi, maxaa yeelay weli hay’adda ganacsi iyo wax isweydaarsigu waxay kaga hadhsantahay Talyaaniga eeg halkan            waana sababta loogu diiday inay xubin ka noqoto hay’adda ganacsiga Adduunka oo ay Somaliland xubin ka noqotey sannadkii 1952-kii, eeg halkan https://www.wto.org/gatt_docs/English/SULPDF/90710229.pdf Capture1 Capture2 halka ay Somalia sannadkii ina dhaafay noqotey xubin goobjooge ah oo aan cod lahayn eeg https://www.esteri.it/mae/en/sala_stampa/interviste/20090811_www.frattiniafghanistan.html,  https://www.wto.org/gatt_docs/English/SULPDF/90730144.pdf iyo http://eventisistemapaese.esteri.it/eventi/2/pdf/Ministry-of-Commerce.pdf iyo https://books.google.so/books?id=qlq1WKF2xkoC&pg=PA49&lpg=PA49&dq=Italian+waivery+of+Somalia+trade&source=bl&ots=UQ-97KOdHv&sig=cnmvkLAA_xrjVE7CT7RdcEzgWgo&hl=en&sa=X&ved=0ahUKEwi0xbCwrN3ZAhUL-6QKHZzDBGQQ6AEIYjAJ#v=onepage&q=Italian%20waivery%20of%20Somalia%20trade&f=false ”.

Hase yeeshee, Gudoomiyaha oo la weydiiyay, haddii ay sidaasi tahay maxaa keenay inay Somalia ururo badan caalami ah xubin ka noqoto amaba ay Somaliland u sheegato  waxa uu ku jawaabay “Sababtu waxa weeye, ururada qaramada Midoobay qaarkood sannadkii 1949-kii Markii ammaanada looga dhigey Talyaaniga UN-kuna ku ilaaliyo ayuu Talyaanigu xubinimo uu wakiil ka yahay ugu qortey inay goob joog ka ahaadaan, markii dambe markii ay yidhaahdeen Somaliland ayaa nagu soo biirtey ayaa loo ogolaaday eeg-https://treaties.un.org/pages/ViewDetails.aspx?src=IND&mtdsg_no=I-4&chapter=1&clang=_en#EndDec  www.ICJ.org  Capturewarqadda uu u qorey Wasiirkii ugu horeeyey ee Arrimaha Debadda Somalia, waxa uu qorey “ waxaanu nahay dawlad midaw laba dawladood oo midoobay, isla markaana haddii muran ka yimaado waqtigeeda ayaanu ka jawaabi doonaa, balse imika waanu wada soconaa”. Taasi waxay markhaati ka tahay in magaca Somaliland loogu ogolaaday inay xubin kaga noqoto, sababta oo ah dhammaan hay’adaha kale ee Qaramada Midoobay sida General Assembly-ga waxay xubinimada ugu qorteen inay yihiin dawlad keli ah, balse labada hay’adood ee ay buuxin waayeen shuruudahoodii waa Maxkamadda Adduunka iyo hay’adda Ganacsiga Adduunka, oo labadaba sharciyadooda dastuurka ay buuxisay Somaliland, Somalia aanay buuxinin, markaa Somalia dawlad noqon mayso, haddii aanay Somaliland isku ladhin, waana sababtaasi darteed sababta ay Somaliland iskugu nabayso, balse Somaliland waxa muhiim ah inay ka baxdo wada hadalada ay kula jirto Somalia, isla markaana ay si toos ah iyadu cusboonaysiinta dalabka xubinimada u gudbisato”. Ayuu yidhi isaga oo intaasi raaciyey “Somalia-na waxa la gudboon inay documents-yada iyo heshiisyada wiiqaya madax banaanideeda ee ay ka mid yihiin heshiiska ganacsiga Talyaanigu wakiilka kaga yahay ka baxaan oo ay si rasmi ah iskaga xoreeyaan, haddii kale dawlad noqon maayaan, ilayn dhammaan shuruudihii dawladnimada ee Montivedo Convention sheegayeen, ee ay ka midka ahaayeen xuduudo sugan ma leh oo dhanwalba muran ayay kaga jirtaa, haddii ay noqoto dhinaca Itoobiya, Kenya iyo Somalilandba. Ciidan Ma laha, iwm”.

 

Xigasho; Hargeysatoday.com)

Exit mobile version