WAJAALE NEWS

Wareegto Ay Soo Saareen Masuuliyiinta Wasaarada Warfaafinta Oo Sababtay In Ay War La’Aani la Soo Daristo Warbaahinta Qaranka jsl Iyo Xogaha ku lumaan,

Hargeisa(W,N):-Wareegto ka soo baxday Agaasimaha Maamulka iyo lacagta Ee wasaarada warfaafinta ayaa sababtay in ay war la’aani la soo daristo telefishanka qaranka jsl  habeenkii labaad, wareegtadan ayaa loo qaybiyey dhamaan hayedaha dawlada iyo kuwa madaxa banaan ee ahaa ilaha wararka uu baahiyo telefishanka qaranka taas oo looga gol lahaa sidii  loo curyaamin lahaa shaqada uu qaranka u hayo telefishanka qaranka jsl oo laga door biday in dhaqaale looga helo wararka uu baahiyo telefishanka qaranka jsl, waxaanay tani caqabad ku noqotay in ay warar keenaan shaqaalaha wariyayaasha iyo filim qaadayaasha ka hawl gala telefishaka qaranka.

Wareegtadan ka soo baxday xafiiska agaasimaha maamulka ayay ujeedadeedu ahayd in ay hayedaha wararka loo tabinayaa ay dakhliga warka ku soo hagaajiyaan isaga isla markaana ay lacag ka qaadi doonaan hayedaha wararka loo bahinayo, arintana waxay caqabad ku sii noqonaysaa hawshii uu qaranka u hayey telefishanka qaranku iyadoo horeba agabka duubista sida kamaraduhu ay ahaayeen badankoodu kuwo ay iskood u leeyihiin filim qadayaasha ka hawl gala telefishanka qaranka.

maaha markii ugu horaysay ee ay fadeexad shaqo iyo maamul xumo ay ka dilaacdo wasaarada warfaafinta iyo wacyi galinta qaranka jsl iyadoo arintan curyaaminaysa hawlihii dhinaca wararka ee telefishanka qaranku ay ku soo beegmayso xili uu buuq iyo jaha wareer uu ku jiro wasiirka wasaarada warfaafinta mudane craxman guri barwaaqo oo ay fadeexad wayni kaga timid buug uu qoray oo ay ku xardhan yihin ereyo sugaaneed si anshi xumo ah wax ugu sheegaya haweenka beel  ka mid ah beelaha dalka jsl, halka wasiirk ku xigeenkii wasaarada warfafintuna uu safar dalka dibadiisa ugu maqan yahay agaasmihii guud ee wasaarada warfaafintuna aanu galinka hore kaba soo xaadirin xafiiska iyo shaqadii loo igmaday saacadaha munaasibaka ah.

taasina waa ta sababtay in agaasimaha maamulka iyo lacagta ee wasaarada warfaafintu uu ku talaabsado qorshe ka hor imanaya helitaankii dhinaca wararka telefishanka qaranka, waxaanay tani lafo jab ku noqonaysaa dhallinyaradii dhawaan loo magacaabay xilalka kala duwan ee wasaarada warfaafinta gaar ahaan telefishanka qaranka ee dhinacyada wararka iyo barnaamujyada iyadoo geeska kalena sababaysa in ay bulshadu daari waydo chanelka uu ka soo galo telefishaka qaranka.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

Exit mobile version