WAJAALE NEWS

“Wahaabiyaddu Inay Ahayd Mashruuc Reer Galbeed Oo Maraykanka Iyo Ingiriisku, Wateen Wax Muran Ku Jiray May Ahayn” Cali Guray

“Wahaabiyiinta Tol Waxa u Hadhay Turkiga iyo Qadar Oo keliya Inta Ay Tari karaan Waa In Yar” Cali Guray

WAHAABIYADDA HADMAAN KA AFEEFTAY!

Wahaabiyaddu inay ahayd mashruuc reer galbeed oo Maraykanka iyo Ingiriisku wateen wax muran ku jiray may ahayn. Markii ugu horeysay waxay qaateen markii ay ogaadeen saliidda ku jirta Saudi Arabia oo boqor Cabdicaziis bay u dhiibeen iyaguna ku taageereen ilaa dhulka imika Saudi Arabia la yidhaa oo dhan gacanta loo geliyay. Xataa haashimiyiintii xijaaz ka talinaysay waa kuwa u raray Urdun. Xiligii dagaalkii qaboobaa in wahaabiyadda lagu fidiyo dunida Islaamka iyaga ayaa ka dambeeyay si ay ugu horjoogsadaan fiditaankii shuuciyadd. Markaa fidinta wahaabiyaddu wuxu mar kasta ahaa mashruuc ay reer galbeedku, gaar ahaan Marakanka iyo Ingiriiska oo wadamada khaliijka ee hodonka ku ahaa saliidda ay ku ilaashadaan. Maanta waxa qiray ninka dhaxaltooyada Sucuudiga leh ee Maxamed bin Saleebaan. Markaa shiico iyo sunni wax ay ka midaysan yihiin waxa jira dagaalka wahaabiyiinta waayo wahaabiyaddu waa fikirka xambaara mutadarifnimada waxanay siiyeen Iran iyo shiicadu in ay yihiin Islaamnimada ka soo horjeedda mutadarifnimada halka sunigii oo dhanna sawir been ah oo foolxun ay u yeeleen takfiiriyiintu. Shiicadu ilaa sunniga saxa ah (main sunni stream)ka loo noqonayo wahaabiyaddana laga tirtirayo caalamka islaamka sunniga ah iyaga ayaa yeelanaya gacanta sare waayo shiicadu iyaga oo ka mutadarifsan sunniga ayay hadan yihiin dad hogaamiye ruuxi ah leh oo meel keliya laga jihaynayo.

Si kale hadaan u dhigo sheecaduna sheekh bay leedahay sunniguna waa bilaa Sheekh soomaaliduna waxay isku caayi jirtay bilaa sheekh baad tahay iyo waar sheekh ma leh kaasi waayo markoodii hore way lahaayeen Sheekhul dareeqo abtirsiin leh oo lilaahi ah een siyaasad iyo danaysiyo gaar ah ka lahayn diinta. Sida imika muuqata wadaadadii wahabiyiinta ahaa ee maalqabeenada noqday maxay inoo sheegi kuwii adeegsanayay ee soo kiraystayba haday leeyihiin oo ay qirayaan in wahabiyaduba ay ahayd mushruuc ay gaaladu u soo dhiibtay? Dagaalka ugu wayn wahaabiyiinta nooc kasta oy sheegtaan xataa Ikhwaaniyiintii Akhwaan Almuslimiin waxa ku qaaday kuwii iyagu fidin jiray,

Wahaabiyiinta Tol Waxa u Hadhay Turkiga iyo Qadar Oo keliya Inta ay tari karaan Waa In Yar muddo yar. Hadaba Geeska Afrika oo dhan meel ay dabada gelin karaan oon ahayn Muqdisho kuma laha Muqdisho lafteedana waynu ognahay xaaladeeda todoba ciidan oo kala duwan ayaa isku haysta oo Ciidanba cid gaar ah Danteeda u Adeegayo ee aan Dan Soomaaliyeedba loo samayn ee dano gaar ah loo kala samaystay. Si kastaba xaalku ha ahaado eh wahaabiyaddu inta ay sii riiqriiqi karta waa wax yar gaar ahaan Geeska Afrikana way ka zuulaysaa nin jecel iyo nin necebba hadii Alleh yidhaa muddo gaaban gudaheed.

Muj Cali Maxamed Yuusuf(Cali Guray)

 

Exit mobile version