Hargeisa(wjn):-ururka suxufiyiinta somaliland ee solja ayaa soo qaban qaabiyay kulan laga hadlayo maalinta haweenka dunida ee 8 da march oo sanad kasta laga xuso wadamada caalamka oo dhan.
Waxana kulankaasi ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee warbaahinta kala duwan ee ka hawlgasha somaliland isla markaana ku shaqaysta xirfadaha kala duwan ee warbaahinta ka hawlgasha dalka.
Ugu horayntiina waxa kulankaasi furay gudoomiyaha solja maxamuud cabdijaamac (xuuto) isla markaana sharaxaas ka bixiyay u jeedada ka urur ahaan ay u soo qaban qabiyeen oo ahayd inay haweenka ka hawlgala lamaha kala duwan ee warbaahinta ay helaan aqoon ku filan iyo xilal ay ka qabtaan xarumaha warbahineed ay ka tirsanvyihiin.
Sidoo waxa madashaasi ka hadlay masuuliyiin iyo marti sharaf kale iyo xubno ka socda warbaahinta television nada ku hadla afka soomaaliga oo dhamantoodba ku dheeraaday ahmiyada ay dumarka ee dhinaca warbaahinta iyo sidoo kale kaalinta wayn ee aan marna la ilaawi karin ee ay bulshada ugu jiraan.
Intii uu kalankani socday ayaa waxa laysla soo qaaday caqabadaha iyo dhibaatooyinka haysta dumarka ama haweenka ka shaqeeya xarumaha warbaahinta qaybaheeda kala duwan iyo kuwa iskood ugu shaqaysta xirfadaha dhinaca warbaahinta la xidhiidha.
gabagabadiina waxa hoosta laga xariiqay isla markaan diirada lagu saaray inay haweenku aanay helin saami ku filan oo la xidhiidha xirfadaha kala duwan ee ay ku shaqaystaan.
Wajaalenews.net
Hargeisa office
Wariye Abdiqadir Habane