WAJAALE NEWS

Heshiis Buuxa Oo Laga Gaadhay Colaad Laba Beelood Ku Dhexmartay Gobolka Sanaag

Ceerigaabo (W,N) – Wararka Ka imanaya Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in heshiis buuxa laga gaadhay colaad muddo dheer u dhaxeysa labo beellood.

Dhinacyada ayaa la sheegay in ay ku heshiiyeen qofkii lagu helo dambi ah in uu geystay dil aargoosi ah la dilo ama laga qaado qoyska uu danbiiluhu ka soo jeedo laga qaado $ 100 Kun oo dollar.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland ayaa isku howlay dhameynta khilaafka labada beellood.

Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in la joojiyo dagaalada mararka qaar dhaca ee saameynta khasaaraha leh u geystay dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in qofkii lagu helo isaga abaabulaya dagaal ciidamadu amar ku qabaan in ay soo qaabtaan, kadibna la horgeyn doono maxkamada militariga.

Todobaadydii ugu danbeeyayba deegaanka Darar Weyne ee hoostaga degmada Ceel Afweyne ee gobolka Sanaag waxaa ka dhacayay dagaal beeleedyo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, kuwaasi oo saameeyay dadka degaanka.

Exit mobile version