WAJAALE NEWS

Da’yarta Wax-qorta Iyo Afka Somaliga: Qalinkii Prof Cabdi Cali

Prof  Cabdi Cali Jaamac Oo kamida Barayaasha Jaamacadaha Ee Reer Somaliland ayaa Qoraal koban oo uu soo Dhigay barta uu ku Leeyahay Xidhiidhka Bulshada Wuxu kaga Hadlay dhibta kala Haysata Dayarta Xiligan iyo Afka Somaliga Isagoo Arimahaasi ka Hadlaya Wuxu Yidhi;

“Inkasta oo aanan khabiir ku ahayn Afka-somaliga, haddana malaha yaryarka immika jooga ayaa iga dhigaya sidaas ama i saaraya masuuliyad. Si kastaba ha ahaatee bal aan tayda dhiibto; ciddii wax innagu kordhisana aragno.

Wuxu yidhi: Shirkii ayaa soo idlaaday; sax ma aha; shirku ma idlaado ee wuu dhamaadaa; marada ayaa idlaata.

Wuxu yidhi: Sannadkii hore ee galbaday; Sax ma aha; sannadku ma galbado ee wuu tagaa ama dhamaadaa; Waxa galbada wixii Aanad jeclayn. Waa tii heestii Waddaniga ahayd ay ku jirtay: Ku kale Mooyee, kani Galbay.

 

PROF CABDI CALI JAAMAC

Exit mobile version