HARGAYSA(W,N) Kala Duwanaanshaha Miisaaniyadii Ugu Danbaysay Ee Xukuumadii Madaxwaynihii Hore Ee Siilaanyo 2017 Iyo Miisaaniyada Xukuumada Cusub ee uu Gadhwadeenka ka Yahay Madaxwayne Muuse Biixi 2018 Ee Maanta Golaha Wasiiradu Ansixiyeen!
Labadan Miisaaniyadood ayaa Waxay ku Kala Duwan Yihiin Oo Kaliya Xukuumadii Siilaanyo Waxay Miisaaniyadeeda ku jiray Golayaasha Deegaanka Iyo Deeqaha Caalamiga ah, Halka Tan Xukuumada Muuse Biixi Aan lagu Soo Darin Ta Golayaasha Deegaanka Iyo Deeqaha Caalamiga Ahaaba.
Dhanka kale Labada Miisaaniyadood Ayaan xaga Korodhka Miisaaniyada Xukuumada Dhexe Udhaxaynin wax sidaa Usii Wayni, Iyadoo korodkeeda lagu sheegay in 9% ay korodhay 2018.
Hadaba Waxaa Iswaydiin Tahay Maxaa laga Dheehan karaa In labada xukuumadood Ee Xilka Isku Wareejiyay Iyo Rajada xukuumada Muse Biixi laga qabay ay ku kala Duwan yihiin?
HALKAN KA EEG MUUQAALKA IYO QORAALKA LABADA MIISAANIYADOOD, 2017 IYO 2018.
Miisaaniyadii 2017 Waxay Ahayd 1535000,000.000 (Hal Trillion Shan boqol iyo shan iyo sodon bilyan)
Miisaaniyada 2018 Waxay Dhan Tahay 1687000,000,000 (Hal trillion, lix Boqol iyo Siddeetan iyo Toddoba Bilyan), SL shilling, ayaa xambaarsan korodh dhan 9%(Boqolkiiba Sagaal)