Muqdisho (W,N) – Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo goor dhawayd shir jaar’id qabtay ayaa sheegay in ciidamo ka amar qaata Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre uu xoog kula wareegeen xaruntii Golaha Baarlamaanka.
Prof Jawaari ayaa sheegay in arintan aysan ahayn oo kaliya in xilka leyga qaado laakiin sida uu hadalka u dhigay la doonayo in lagu fool xumeeyo Golaha Baarlamaanka oo ah sida uu hadalka u dhigay saldhiga dowladnimada.
‘’Waxaan arkaynaa in laantii fulinta weerar ku soo qaaday Golaha Baarlamaanka oo Mooshinkanna dhinac ka riixaysa, waxaana la doonayaa in lagu qiimo tiro heybada Baarlamaanka oo ah golaha sharci dajinta ’’ ayuu yidhi guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Mar uu ka hadlayay xasarada taagan ayuu sheegay in ay jiraan arrimo laga dalbaday in uu saxeexo oo dhibaato ku ahaa amaannada Golaha Baarlamaanka, taasoo keentey ayuu yidhi in mooshin layga keeno.
‘’Waxaa jira arrimo layga dalbaday in aan saxeexo oo aan diiday oo ka hor imaanayay amaannada naloo dhiibtay, waana tan keentey in Mooshin la soo abaabulo ayuu yidhi’’ Gudoomiye Jawaari.
Ugu danbeyntii guddoomiyaha ayaa ka digay cawaaqibka ka dhalan kara ciidamada la duldhigey golaha Baarlamaanka, isaga oo sheegay in wixii dhibaato ah ee halkaa ka dhaca uu mas’uuliyadeeda qaadayo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.