WAJAALE NEWS

Xilldhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley Oo Qorshaynaya In Ay Dacwad Ka Dhan Ah Maayarka U Gudbinayaan Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka!

Hogaamin Xumo Ku Habsatay Xilldhibaanada Golaha Deegaanka Iyo Xill Gudasho La”aanta Maayarka Gabiley

GABILEY(W,N) Waxaa maalinba maalinta ka dambaysa isa soo taraya Cabashada Dadwaynaha iyo wararka sheegaya,Hogaamin Xumo Ku Habsatay Xilldhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley,iyadoo Maamul xumada ku habsatay Dagmada Gabiley ay guud ahaan Bulshada Gabiley ku keentay in ay waayaan adeegii ay uga baahnaayeen Xarunta Maamulka Dawlada Hoose ee Dagmada Gabiley,halka ay Maalin kasta Aad Arkayso Bulshada Gabiley oo Doon doonaysa Maayarka iyo Xoghayaha Dawlada hoose ee Degmada Gabiley.

Marka Laga soo bilaabo Tann iyo Markii ay doorteen Xilldhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley. Maayarka Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi,waxaa mudo kooban kadib  Xilldhibaanadii Doortay soo food Saartay in uu gabi ahaanba u qaban waayo Shirarkii Caadiga ahaa ee Xilldhibaanada Waajibka ku ahaa,iyadoo uu ka badheedhay Maayar Maxamad Amiin in uu ku tunto Sharciga iyo Xeerarka dalka ee ismaamulka Gobolada iyo Dagmooyinka ee Xeer Lr,( 23 ),waxaanu si toosa u jabiyay in uu ka qayb galo Fadhiyada Xilldhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley,isagoo diidan Maayarku in ay Xilldhibaanadu wax ka waydiiyaan Xadiga Musuqmaasuq iyo ku tumashada Xeerarka dalka ee uu caadaystay Maayarka Gabiley.

Hadaba Tann iyo Maalintii uu furmay kallfadhiga Caadiga ahaa ee Xilldhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley Sannadka 2018,waxuu bilaabay Maayarka Gabiley in uu Safaro Joogto ah ugu baxo Caasimada S\land oo uu ku kharash gareeyo Lacag aad u xad dhaafa.

Dhanka kale,Shir doceedyo Xilldhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley kaga Tashadeen Xill Gudasho La”aanta Maayarka Gabiley,ayaa la sheegay in ay Shirarkoodaa ku go”aamiyeen in Dacwad ka dhan ah Maayarka Gabiley loo gudbiyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka,iyagoo Xilldhibaanadu ku soo Eedaynaya Xeer Jabin iyo ku tumasho Sharci.

Si kastaba ha ahaatee,waxay wararka aanu ka helayno Xilldhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley sheegayaan in Xilldhibaanada Gabiley ayna mar danbe daawan doonin,Xill Gudasho la”aanta Maayarka Gabiley,iyagoo wacad ku maray Xilldhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley in Hayadaha Sharciga iyo Xeerarka dalka S\land la tigsanayaan Maayarka Gabiley.

Kala Soco wixii Warar  Ka Soo Kordha dacwada Xilldhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley Ugudbinayaan  Xeer Ilalinta iyo looyarada ay u Qabteen Dacwada Ay Ku Soo Oogeen Maayarka Gabiley

 

WAJAALENEWS DESK

GABILEY OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM.

 

Exit mobile version