WAJAALE NEWS

Soomaaliya Oo Hogaamineysa Dalalka Ugu Musuq-maasuqa Darran

Hargaysa (W,N):- In ka badan 10 sanadood ayaa waddamada Afrika waxey meel xun ka galayeen qiimeynta musuq-maasuqa iyo daah-furnaan la’aanta dowladaha ee ay sanad walba sameyso hay’adda caalamiga ah ee Transparency International.

Soomaliya ayaa mar kale 11 sano ii xigta kaalinta koowaad ka gashay qiimeynta wadamada ku caanbaxay musuqmaasuqa kaddib warbixin ay soo saartay hay’adda Transparency International.

Liiska ay hay’addu soo saartay ee dalalka ugu musuqa badan dunida waxaa kaalinta 1aad kaga jira Soomaaliya.

Liiskan sannadlaha ah ayaa dhinacyada uu qiimaynta ka eego waxaa ka mid ah laaluushka iyo madaxda iyo xukuumadaha oo aan lagu ciqaabin musuq maasuqa.

Soomaaliya iyo Suudaanta Koonfureed ayaa warbixinta lagu sheegay in ay yihiin dalalka ugu Musuq maasuqa badnaa Sanadkii lasoo dhaafay , waxaana la siiyay dhibo dhan ah 9 oo Soomaaliya ah iyo 12 oo ah Sudanta Koonfureed.

Is bar bar dhig lagu sameeyay Soomaaliya sanadkii 2016ka iyo sanadkan aynu ku jirno ee 2018ka Soomaaliya waxaa muuqata in 10 dhibcood ay hoos uga sii dhacday halkii ay markii hore joogtay.

Ma jirin dal helay dhammaan boqolka dhibcood, waxaase 89 helay dalka New Zealand, halka Finland iyo Denmark ay heleen 88 iyo 85 , kuwaas oo ah dalalka ugu musuq maasuqa yar yahay.

Exit mobile version