WAJAALE NEWS

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Magacaabey Taliyayaasha Booliska, Asluubta Iyo Nabadsugida

Moqdisho (W,N):- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa goor dhawayd magacaabey Taliyeyaasha Booliska, Nabadsugida iyo Asluubta, kaddib shir degdeg ah oo ay goor dhawayd yeesheen Golaha Wasiirada Soomaaliya.

 

Taliyaha Booliska ayaa loo magacaabay Bashiir Cabdi Maxamed, halka Taliyaha Nabadsugida loo magacaabay Xuseen Cusmaan Xuseen, halka Taliyaha Asluubta loo magacaabay Jen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo hore xilkan u hayay.

 

Magacaabidan ayaa aheyd mid aan la fileyn, marka loo eego shaqsiyaadka xilalka loo magacaabay, waxaa hore suuqa ugu jiray shakhsiyaad dhowr ahaa oo aad loogu badinayay xilalka, balse aakhirkii dambe meesha ka baxay.

 

Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa soo dhamaaday, iyadoo saxaafada looga warbixiyay magacaabida Taliyeyaasha iyo waxyaabihii kulanka lagaga hadlay oo saacado badan qaatay.

Exit mobile version