WAJAALE NEWS

Madaxweynaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Kula Kulmay Maal-Gashadeyaal Ka Socda Dalka Malaysia

Hargeysa (W,N):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay wefti maal-shadeyaal ah oo ka socda dalka Malaysia, kuwaas oo uu hoggaaminayo maal-qabeenka caanka ee u dhashay dalka Malaysia, ahna guddoomiyaha wershadda hilibka ee magaalada Burco ee Tayyid Quality Meat Mr. Rethwan Tengku.

Kulanka uu madaxweynuhu la qaatay weftigan ganacsadeyaasha ah ee kasoo jeeda dalka Malaysia, ayaa waxa ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi, ayaa si qoto dheer loogaga wada-hadlay muhiimadda ay wershadda hilibka ee TAYYID Quality Meat ee magaalada Burco u leedahay guud ahaan qaranka Somaliland iyo kaalinta ay ka geysan karto inuu hilibka Xoolaha Somaliland ka helo dalka Malaysia suuq xaami ah oo lagaga bixi karo baahida suuq yaraaneed ee soo wajahday Xoolaha Somaliland, waxaana ay ganacsatada wershaddan maalgashaday tilmaameen inay wershaddaasi ka qayb qaadan doonto sidii suuq cusub loogu heli lahaa Hilibka xoolaha ku dhaqan dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

https://youtu.be/wB5n8E29AzE

 

Wariye: Xamse Jirde

Wajaalenews.net

Hargaysa Office

Exit mobile version