WAJAALE NEWS

Madaxwayne Muuse Biixi Oo Xil U magacaabay Wiil Uu Sodog U yahay Siilaanyo Iyo Dareenada Ka Dhashay.

Hargaysa (W,N):- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Magacaabay Xubno Kamida  Xukuumadiisa kuwaasi oo ka koobanaa Sagaal Masuul oo Iskugu jira Safiiro, ku-xigeenadooda , Maareeyayaal.iyo  wakiilka gaar ah qaramada midoobay ee Somaliland.

 Masuuliyiintan uu Magacaabay Madaxwayne Muuse Biixi ayaa waxaa kamid ah Wiil uu Madaxwaynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo uu sodog u yahay kana mid ah shaqkhsiyaadka mudo xileedkii Xukuumadii Siilaanyo sida gaarka ah loo siiyay Mashaariic faro badan isagoo ahaa Gudoomiyaha Hay’adda Shifaad.

 Sidoo kale Madaxwayne Muuse Biixi ayaa wiilkan uu Siilaanyo sodoga u yahay Ee lagu magacaabo Muuse Xasan Xaaji Yuusuf u magacaabay  Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada.

 Magacaabista Masuulkan ayaa noqonaysa Mid Shacabka Somliland Dareeno kala duwan ku Abuuraysa Taasi oo dhanka kale meesha ka Saaray Qorshihii ay bulshadu ka sugaysay Madaxwaynaha haatan  In uu meesha ka saarayo  cidkasta oo Qayb ka ahayd  Musuq-maasuqii Baahsanaa ee dalka lagula kacay mudo xileedkii Madaxwayne Siilaanyo.

 Dhanka kale Magacaabistan ayaa noqonaysa in xil loo dhiibo Wiilkii labaad ee uu Siilaanyo sodoga u yahay halka Safiirka Somaliland u fadhiya Imaraadka uu Kamid yahay Shaqshiyaadka sida wayn ugu tagri falay Awoodoo madawaynihii hore Siilaanyo s kaasi oo mudadaa uu kamidka ahaa Xukuumadii hore iyo tan muuse biixi ku kacay talaabooyin lidi ku ah hanaanka dawladnimo isagoo dhawan Magaalada Dubai kaga dhawaaqay shirkada  muran badan ka abuurtay gudaha Somaliland.

 Sikastaba ha ahaatee talaabadan uu qaaday Madaxwayne Muuse Biixi ayaa  banaanka keentay isku eekaanshaha hab dhaqanka musuq-maasuq ee Xukuumadii hore iyo bilowga Xukuumada cusub ee Muuse Biixi oo durba qaaday jid ay shacabka Somaliland walaac xoogan ka muujinayaan.

 

 

Exit mobile version