Hargeysa (W,N):- Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxaa uu cafis u fidiyey Siyaasi Maxamed Cabdilaahi Oomaar oo ay isku qoys yihiin mudo badana Soomaaliwayn ahaa.
Siyaasi Maxamed Cabdilaahi Oomaar ayaa sanadihii 2010-ilaa 2012-kii xilka wasiirka arimaha dibada ka ahaa Dawlada Federaalka Soomaaliya kaas oo ka tanaasulay fikirkii Somaliweyn ee uu hore u aaminsanaa .

Warar xog ogaal ah oo aanu helayno ayaa xaqiijiyey in siyaasi Maxamed Cabdilaahi Oomaar uu shalay soo gaadhey magaalada Hargeysa, kadib markii madaxweyne Biixi aqbalay codsi uu u soo qortey oo uu ku dalbadey in la cafiyo, kaas oo madaxweynuhuna u qoray cafiska uu dalka ku yimid.
Wariye: Xamse Jirde
Wajaalenews.net
Hargaysa Office