WAJAALE NEWS

Madaxwaynaha Maxkamada Caalamiga Ah Ee Heeg Cabdul Qaawi Oo Ka Hadlay Dacwada Bada Ee Somalia Iyo Kenya

Hargaysa (W,N):- Madaxweynaha dhawaanta loo doortay maxkmadda caddaalada adduunka ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dacwada la xidhiidha muranka badda ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya.

Garsoore Cabdul Qaawi oo la weeydiiyay bal sida ay u saamaynayso dacwadda maadaamaa uu isagu yahay nin Soomaali ah ayaa waxa uu kaga jawaabay “Dhalashada xaakimka iyo ka qeybgalkiisa dacwooyinka shaqo iskuma laha, xaakimada maxkamadda waxaa loo doortaa in dacwooyinka yimaada oo idil uu xukun iyo go’aan ka gaadho , marka sidaasi daraadeed dacwad kasta xaakimadda waa ay ka qeybgalaan”.
Wuxuu intaasi ku daray “mana aha haddii xaakimkan waddankiisu dacwad keeno in uu dacwadaasi isaga ka boxo haddaysan jirin sabab gaar ah sida in uu isaga wax kasoo abaabulay dacwada”.

Garsoore Cabdiqawi oo ah qofkii Soomaali ah oo ugu horeeyay oo heerkaas ka gadhay nidaamka garsoorka adduunka ayaa sidoo kale sheegay in uu jecelyahay in aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa uu uga faa’iideeyo dalka Soomaaliya, haddii duruufaha u ogolaadaan.

Cabdiqawi Axmed Yuusuf ayaa ka baxay jaamacaddii ummadda ee Soomaaliya, isaga oo noqday 10kii macalin ee ugu horeeyey ee loo tabobaray in ay bareyaal ka noqdaan jaamacadda, si ay u badalaan macalimiin talyaani ah oo jaamacadda dhigayay.

Mar uu ka hadlayay falcelinta ay dadka Soomaalida ka sameeyeen magacaabistiisa xilka ugu sareeya ee maxkamadda adduunka ayuu sheegay in isaga kaliya aysan taas guul u ahayn, balse u tahay magaca Soomaaliyeed oo dhan.

 

Xigasho: BBC

Exit mobile version