WAJAALE NEWS

“Beesha Caalamku Wuu Soo Dhaweeyay Hanaankii Ay Doorashadu Inoogu Qabsoontay” .Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland

Hargaysa (W,N) – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegay in doorashaddii Somaliland ka dhacday ay caalamka ku noqotay wax ay la yaabaan,isla markaana warbaahinta caalamku si weyn u shaaciyeen doorashaddaasi.

Sidoo kale, wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay inay Addis-ababa ku kulmeen wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ay ka wada hadleen in dib loo bilaabo wada hadalkii labadda dhinac u dhexeeyey iyo arrinta Tuko raq.

“Doorashadeenii waxay noqotay wax caalamku la yaabo inagoo waliba duruufteena la tixgalinayo oo ah wadan aan ictiraaf lahayn, tusaale ayey noqotay oo warbaahinta caalamka meel walba waa laga sii daayey, Waana laga markhaati kacay in nabadgalyo ka jirto oo dimuqraaadiyad ka jirto oo fal argagixiso ugu dambaysay 2008”ayuu yidhi Sacad Cali Shire.

Mar uu ka hadlayey wada hadalkii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya waxa uu yidhi. “wada hadalkaasi muddu soo socday illaa tobaneeyo jeer baa la kulmay inta badan waxa lagu kulmay Turkiga oo gogosha inoo dhigay wax badanni kama soo bixin, qodobada lagu heshiiyey waxay ahaayeen in la is ixtiraamo oo hadalo la is waydaarsan”

Waxaanu intaas ku daray “wada hadalkaasi hakad buu ku jiray ujeedaddu waxay ahayd in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya marka la doorto in la furo wada hadalkaasi, markii dambe doorashadeenii baa ku xigay taas ayaa keentay dib u dhaca ku yimid”

Mar uu ka hadlayey kulan ay wada yeesheen Labadda wasiir ee arrimaha dibadda Somaliland iyo Soomaaliya, waxa uu yidhi “Waxaanu kulanay wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya, waxaanu ka wada hadalnay laba qodob oo kala ah in wada hadalkii dib loo furo iyo arrinta dagaalka Tuko raq, waxaana u sheegay in tuulada Tuko raq ku taallo gudaha Somaliland, xadkeenuna maaha mid aanu dooranay ama jeexanay ee waa mid caalami ah sidii xuduuda loo xaq dhawri lahaa waanu ka wada hadalnay in nabadda la dhawro wixii dhibaato keenayana la joojiyo”

Wasiir waxaa kaloo uu sheegay in saldhiga Imaaraadka Carabtu aanay khatar ku ahayn dalalka jaarka,isla markaana uu heshiishka la galeen uu ku jiray in wax kasta oo dhibaato u keenaya Somaliland iyo dalalkeeda jaarka aan lagu duuli Karin saldhiga.

Exit mobile version