WAJAALE NEWS

Xubno Kamida Ciidamada Malia oo ku dhintay weerar ay al-Qaacida ku qaaday saldhiga ciidankaasi

11edad8972e9479593b10da5667ea2d9_18 (1)Hargeisa(wjn):-Ugu yaraan 14 askari oo Mali ah ayaa la dilay, 18 kalena waa ay ku dhaawacmeen weerarka al-Qaacida intii lagu guda jiray dagaalyahanno gabi ahaanba gacanta ku hayay xarun milatari oo ku taal waqooyiga Afrika, sidaasi waxaa sheegay ciidamada dalkaasi.

 

Ciidamadeena Malia waxaa la weeraray horaantii subaxnimadii, 4-dii subaxnimo ee Sebtembar, waxaannu diiwaan galinnay 14 qof oo dhintay, 18 dhaawac ah iyo waxyeelo soo gaartay,” ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay baraha Bulshadu ku isticmaasho.

 

Weerarka dhimashada ayaa ku qasbay Madaxwaynaha Mali Ibraahim Boubacar Keita inuu joojiyo booqashada shirweynaha Midowga Afrika ee lagu qabanayo Addis Ababa, caasimada Itoobiya.

 

Saacadaha hore ee dagaalka ayaa ciidanka la wareegay saldhigga dagaalka,laakiin waxay dib u qabsadeen gelinkii dambe, ilo ciidan oo Malian ah ayaa la sheegay in ay u sheegeen wakaaladda wararka ee AFP.

 

Hargeisa Office

Wajaalenews.net

Wariye:-Abdulkadir Habane

Exit mobile version