Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishukuur Warsame Oo ku Dhawaaqay Arin ka farxisay Bulshada Somaliland;
Muqdisho(W,N) Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishukuur Warsame Oo Kamida Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya Isla markaana ah Siyaasi Saamayn Wayn Ku Leh Gudaha Somaliya Ayaa Noqday Xildhibaankii ugu Horeeyay Ee Si cad Uqira Xaqiiqda ka Jirta Somaliland Iyo Halka Ay Gaadhay,
Mudanahan Katirsan Barlamaanka federaalka somaliya ayaa Pageka uu ku leeyahay Barta ay Bulshadu ku Xidhiidho Ee FACEBOOKGA Wuxuu soo Dhigay In Dalka Somaliland iyo Dadkiisuba Yihiin kuwo u Qalma in la Aqoonsado Isagoo Tilmaamay in Ay Yiihiin Umad Ubislaatay Hanaanka Dawladnimo,
Qoraalka Siyaasi/Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishukuur Ayaa Noqday Mid Dood Adag ka Dhaliyay Barta facebookga Kaasi bulshada Somalida ah ee ku kulanta Barahani ay siyaasigan ku Timaameen in uu yahay Mudane Xaqiiqda Ka Hadlay .
Bulsho Waynta Reer Somaliland Ee Ku Kala Nool Daafaha Dunida Gaar ahaan gudaha dalka ayaa Eraya kasoo Yeedhi Mudane Cabdiraxmaan Cabdishukuur Siwayn Usoo Dhaweeyay Taasi Hor Seeday In Xiligan Uu Shacabka Somaliland ka Helayo Taageero Laxaadle,
HALKAN KA AKHRI QORAALKA SIYAASI CABDIRAXMAAN CABDISHUKUUR UU KUSOO QORAY PAGEKIISA;
“Somaliland Wa Dad Uqalmo in la Siiyo Ictiraaf
Waayo Waxey Gaareen Biseyl Siyaasaded.
Markad Aragto Kala Danbeynta Xisbiyada” Siyaasi Cabdiraxman Cabdishukuur.
Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishukuur Ayaa Dhawaan Waxaa Sifo sharciga baalmaran Gurigiisa ugu Weeraray ciidamo ka Amar qaadanayay Madaxwaynaha Somaliya farmaajo kuwaasi Xabsiga u taxaabay Siyaasigan halka ay Weerarkan ay guriga xildhibaanka ku qaadeena ay ku Dileen dhowr qof oo ku sugnaa Xaafada Siyaasi Cabdiraxmaan
Balse Mudo Gaaban kadib Waxaa xoriyadiisii Loo soo celiyay Mudanahan,
Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishukuur ayaa kamida Siyaasiyiinta xiligan Ugu Culus Somaliya Islamarkaana taageero balaadhan ka haysta bulshada ku dhaqan Gobolada Somaliya Gaar ahaan Caasimada Muqdisho Oo Wali Madaxda Somaliya loo Dooraa Aanay Helin Xxalkii lagu Dajin lahaa Si ay Somaliya uga Tisqaado Dawlad Cagaheeda Isku Taagi karta,
WAJAALENEWS DESK
HARGEISA OFFICE.
EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM