WAJAALE NEWS

Madaxwaynaha Jsl Muuse Biixi Oo Lafilayo In Uu Safarkiisii U Horeeyay Ee Dalka Dibadiisa Ubaxo Iyo Wadanka Uu Ku Tagayo!!

Hargaysa(W,N) Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Ayaa Lafilayaa In ay Maalinta bari ah Safar Ugu Anbabaxaan Dalka Dibadiisa.

Safarkan Madaxwaynaha Oo Noqonaya safarkiisii Ugu Horeeyay Ee U Baxo Mudadii La Doortay. kaasi oo Sida Wararka Aanu ka helayno safarka madaxwayna ay tibaaxeen wuxu ku tagi Doona Dalka aynu Jaarka Nahay Ee Jabuuti.

Socdaalka Madaxwaynaha ayaa la sheegay in uu Qaadan Doono Mudo Dhowr Cisho Isagoo kulamo layeelan doona Dhigiisa Dalka Jabuuti  Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele.

Safarka Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland ayaa kusoo beegmaysa xili Aanu wali dhamaystirin Dhismaha Xukuumadiisii, Macada Xiliga Rasmiga Ee uu baxaya marka laga tago xogaha Aanu ka helayno Safarkiisa,

 Dhanka kale safarkan Madaxwayne Muuse Biixii Uu ku tagayo Dalka aynu jaarka nahay Ee Jabuuti Ayaa la Raada Safarkii Uhoreeyay Ee Madaxwaynihii Hore Somaliland Axmed Siilaanyo Ugu baxo  isla Dalka Jabuuti,

Wixii kasoo Kordha Safarka Madaxwaynaha Jsl kala soco Shabakada Caalamiga Ah Ee Wajaalenews.net

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version