HARGAYSA(W,N) Khilaaf Xoogan ayaa Mudooyinki Udanbeeyay Udhaxeeyay Maayarka Caasimada Hargaysa Cabdiraxmaan Soltelco Iyo Xoghayaha Dawlada Hoose Cali Xasan Cawaale kaasi oo khilaafkoodu Gaadhay In Xukuumada Dhexe Soo Dhexgasho Balse Muu Noqon mid Halkaa ku Istaaga Ee Waxaa Isna Dhiniciisa Abaabul iyo kicinta Xubno Difaaca kursigiisa Bilaabay xogahaye cali kuwaasi Maalmihii Udanbaysay Warbaahinta lagu arkayay xubno ku hadlaayayHab Deegan oo difaacaya Xogahaya Ismarkaana Eedo Culus ujeedinaya Maayarka. Taasi oo sida la sheegay kkor usii qaaday khilaafkii labadan masuul.
Muranka udhaxeeya Maayarka iyo Xoghayaha ayaa Dhanka kale Sbobay in Shaqadii Dawlada Hoose usocon waydo Si Habsamiya Taasi oo mudadaa uu Aloosnaa Khilaafkooduba Aanay gabi ahaanba shaqadu ahayd mid aan waxba ka socon
Hadaba Wararka Aanu ka Helayno Khilaafka Cakiran Ee maayarka Iyo xoghayaha ayaa Tibaaxaya in Wasaarada Arimaha Guduhu ay Talaabo ka Qaadayso taasi oo xogahani tibaaxeen In gabi ahaanba Shaqada laga Cadhinayo xoghayaha Dawlada Hoose Cali Xasan Cawaale iyadoo lafilayo wakhtiyada soo socda in ay soo magacaabaan badalka Xoghayahan hore.
Sidoo kale Xogahaye Cali ayaa Dhankiisa Noqday Masuul ku Haftay Shaqadii Loo igmaday Waxayna taasi Qayb ka noqotay Arimaha xiligan soo Da dajiyay in shaqada Laga Eryo.
Dhanka kale Bulshada caasimada ayaa Sidhow ula socotay khilaafkan labada masuul oo noqday mid saameeyay habsami Usocodka hawlihii loo igmaday iyadoo marwalbana ay hadalhaystiisu Taagnayd
Si cad looma oga xiliga rasmiga ah ee lafilayo in ay talaabani kasoo baxayso wasaarada Arimaha gudaha oo Iyadu Leh masuuliyada magacaabida xoghayayaasha Dawladaha Hoose .
WAJAALENEWS DESK
HARGEISA OFFICE
WARIYE HAMSE JIRDE