WAJAALE NEWS

Dawlada Kenya Ayaa Ku Sheegtay Dhaqdhaqaaqa Mucaaradka In Uu Yahay Mid Sharci Daro Ah.

uhuru-kenyatta-Hargeisa (wjn):-Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in dhaqdhaqaaqa wax iska caabinta NRM ee mucaaradka Kenya u yahay mid burcad ah.

Dhaqdhaqaaqa NRM ayaa qeyb ka ah isbaheysiga mucaaradka ee NASA, waxaana tallaabada dowladda Kenya ay timid kadib markii mucaaradka Kenya ay shalay iyaguna xilka madaxtinimada ee Kenya u dhaariyeen hogaamiyaha Mucaaradka Kenya, Raila Odinga.

Raila Odinga ayaa kasoo hor muuqday kumanaan qof oo isugu soo baxay beerta xorriyadda ee Uhuru Park ee magaaladaNairobi, halkaas oo lagu dhaariyay in uu yahay “madaxweynaha shacabka” Kenya.

Raila ayaa ku dhaartay in uu illaalin doono dastuurka dalka, islamarka na uu hoggaamin doono Kenya.

Hadal kooban oo uu jeediyay Raila dhaarta kadib ayuu sheegay in shacabka ay ridi doonaan wax uu ku tilmaamay xukunka kaligii talisnimada ah.

Horey ayaa dalka Kenya waxaa xilka madaxtinimada loogu dhaariyay Uhuru Kenyatta oo guddiga madaxbanaan ee doorashooyinka Kenya ay shegeen inuu ku guuleystay madaxweynaha xilka haya.

Odinga oo ku andacooday inuu ku guuleystay doorashadii bishii 8aad ayay guddiga doorashada ee Kenya waxaa ay horay u shegeen inuu ku guuldareystay doorashadii kuceliska ee dhacday bishii tobonaad ee sannadkii hore, waxaana dowladda Kenya oo ka hortageysa xaflada dhaarinta Raila ay damisay qaar kamid ah warbaahinta gaarka loo leeyahay oo si toos ah u tabinayay xafalada dhaarinta, iyadoo na tallaabada mucaaradka ku tilmaamtay qiyaano qaran.

Wariye:Abdulkadir Habane
Wajaalenews.net
Hargeisa Office

Source bbcsomali

Exit mobile version