WAJAALE NEWS

Daawo: Xukuumadda Somaliland Oo La Wareegtay Doonyo Kalluumaysi Oo Dalka Gudihiisa Lagu Sameeyey

Berbera (W,N):- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cabdiraxmaam Saylici oo uu wehelinayo Wasiirka Xanaanadda Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi ayaa xadhiga ka jaray deked yar oo loogu tallo galay Kaluumaysiga taasi oo ay hirgalisay Hay’adda Cuntada iyo beeraha ee Qaramadda midoobay ee loo soo gaabiyo FAO isla markaasna ay maalgalisay dawladda Norway.

Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ka qayb galay Munaasibad Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysigu ay Hay’adda FAO kagala wareegtay todoba doonyood oo nooca kalluumaysiga ah oo lagu sameeyay dayactir.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

https://youtu.be/s6wsnmGIFAs

Exit mobile version