WAJAALE NEWS

“Cabdiraxmaan Cirro In Aanu Ahayn Qof u Qalma Inuu Noqdo Madaxwayne Qaran Markhaati Kale Uma Baahna”Muj Cali Guray.

HARGAYSA(W,N) Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali guray) oo kamida siyaasiyiinta somaliland kana tirsan xisbi xaakimka kulmiye ayaa qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee FACEBOOKga Wuxuu Si Ba,an ugu dhaliilay gudoomiyaha xisbiga wadani cabdiraxmaan ciro oo u tilaamay shaqsiyad aan u qalmin in uu madaxwayne ka Noqdo Qarankan

Qoraalka Cali Guray oo koobnaa Ayaa Udhignaa Sidan;

Miskiin yaa Cabdiraxmaan Cirro maxaan kuu sameeyaa foorad baa ku saarane.

Cabdiraxmaan in aanu ahayn qof u qalma inu noqdo Madaxwayne Qaran markhaati kale uma baahna waayo isaga ayaa isku cadeeya. Soomaalidu waxay tidhaa af jooga looma adeego iyo qofna afkiisa xaal lagama siiyo. Kaalintiisu waa in uu hogaamiyo xisbi mucaarid ah shalayna isaga ayaa la hadhay xisbigiisa inta uu horjoogo filimaayo inu kob caleen leh ka durdurin doono.

Raganimadu hadii Aad Tartanto oo lagaa badiyo sharaf dhac ka wayni ma jiro aniga ayaa helay kursigii laakiin kuma fadhiyo anigu ee nin kale ayaa ku fadhiya. Taas lafteedu miyaanay qiraal kale ahayn inay nacasnimo tahay mise tollow fariidnimo ayuu u haystaa.

Anigu Cabdiraxmaan waxan kula talin lahaa xilka  cid kale ku wareeji waa xisbi qaran oo loo baahan yahay inuu qaato kaalinta uu leeyahaye hadii kale Geedkaa Gaadhsiin kari mayside ogow,

 

 

Exit mobile version