WAJAALE NEWS

‘Xisbiga Kulmiye Hoggaankiisu Haddii Uu Jebiyo Derbiga Qori Isu Dhiibka ah Ee Beelo-gaashaanbuuraysan, Ama (Jeegaanta) Waxa Inoo Dhismi kara Axsaab Siyaadadeed” Maxamed Baashe.

“Kulmiye Guddoomiyennimadiisa Oo ku sii Jirta Gacanta Madaxweyne Muuse Biixi Waxa ku Jirta Danta Xukuumaddiisa Iyo Ta Qaranba” Qoraa Maxamed Baashe.

HARGAYSA (W,N) Qoraa Maxamed Bashe Xaaji Xasan ayaa barta uu ku leeyahay Xidhiidhka bulshada ee facebook waxa uu soo dhigay qoraal kooban oo xanbaarsan arimo muhiim ah oo la xidhiidhi siyaasada Somaliland iyo sida ay  caqabada ugu noqotay qabyaaladu, hadaba maxamed baashe oo arimahaasi ka hadlay iyo sida ay mustaqbal Somaliland u eekaanayo hadii laga koro Siyaasada reeraysi. wuxu udhignaa Qoraalkiisu Sidan;

#; Xisbiga Kulmiye Hoggaankiisu Haddii Uu Jebiyo Derbiga Qori Isu Dhiibka ah Ee Beelo-gaashaanbuuraysan, dadka qaarna ugu yeedhaan jeegaanta, waxa inoo dhismi kara axsaab siyaadadeed oo aan dhufays lagu eerto ka dhigan qabiil iyo reero.

#; Xisbiga Doorashadii Dhowayd lagaga Adkaaday Ee Waddani haddii uu Isna si aan Qabali Ahayn isu aAbaabulo waxa ay taasi Taageeri aragtida sare.

Kulmiye Guddoomiyennimadiisa oo ku sii jirta gacanta madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa ku jirta danta xukuumaddiisa iyo ta qaranba.

Waa mare, waxa ay taasi baajinaysaa kala fogaanshe ka dhex tisqaada xukuumadda iyo xisbiga sidii dhacday xilligii Axmed Siilaanyo markii uu talada xisbiga iska wareejiyey.

Waa marka labaade, waxa ay tallaabadani horseedi kartaa in hagbadaysigii habreed ee xisbigu meesha ka baxdo, taasina waxa ay dan madhaafaan ah u tahay qaranka oo u hanaqaadi kara qaran ka sarreeya qabyaalad iyo is bahaysi reereed.

Tolow maxaa dhici lahaa haddii Kulmiye iyo Waddani ay 2022 iska soo kala sharraxaan Muuse Biixi iyo Cabdiqaadir Jirde ama Dr Cismaan Fadal ama Xirsi, Ucidna cid aan Faysal Cali ahayni (kuwa hantida qaranka ku taajirey midkood sida Maxamuud Xaashiga xoogaagii uu qaranka ka boobey la waalwaalanaya ama shimbir kale oo samada dhoto ka soo yidhi oo xoogaa xalaal ah haysta)?

Xitaa haddii ururrada siyaasadda dib loo furo (anigu kuma taliyeene) saddexdan xisbi ayuun bay u badan tahay in ay soo baxaan.

Si kasta oo ay noqoto, mar kasta saw tani soo ma gunaanadi karto hagbadayntii siyaasadda Somaliland ee labada beelood labada jeer kala riteen labada gacmood?!

#Run_Mood_Dhab_Ka_Hadal_Ah!

QALINII QORAA MAXAMED BAASHE XAAJI XASAN

Exit mobile version