WAJAALE NEWS

Rag Soo Xidhay Xijaabyo Oo Weerar Ku Qaaday Iskuul Ku Yaalla Pakistan

Peshawar,(W,N)-llaa saddex nin oo dumarka isu soo ekeeysiiyay ayaa galay mac-had lagu barto beeraha oo ku yaala Pakistan, halkaas oo ay ku dileen 9 qof, 36 kalane ku dhaawaceen.

 

 

Kuleejka ayaa lagu magacaabaa Kuleejka Beeraha ee Peshawar, waxayna ciidanka sheegeen in ay dileen dhammaan raggii weerarka geystay.

Sideed ka mid ah dadka la dilay waa ardaydii iskuulkan dhiganayay, halka qofka kalena uu yahay qof xafiiska maamulka ka shaqeeya. Weerarka ayaa waxaa sheegtay Talibaanka Pakistan.

 

“Waan hurdaynay markii aan maqalnay dhawaaqa risaasta, waan toosay, qof kastana waa uu cararay ” ayuu yidhi mid ka mid ah ardayda oo u waramay wargeyska Dawn ee Pakistan kasoo baxa.

Arday kale oo weerarka ku dhaawacmay oo lagu magacaabo Ahteshan Ul Xaq ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in kuleejka ay ku sugnaayeen 120 arday oo ka mid 400 arday ee ku hoyata, islamarkaasna dhigata.

Kuleejka ayaa waxa uu ku jirey fasax ciidda moowliidka nabiga awgiis.

Peshawar waxa ay ku taalaa xuduudda Afghanistan ay Pakistan la wadaagto, waxayna bartilmaameed u tahay weerarada noocaan oo kale ah.

Sanadkii 2014-kii weerar lagu qaaday iskuul ay ciidammada maamulaan ayaa waxaa lagu dilay dad gaadhaya 141 qof.

 

Exit mobile version