WAJAALE NEWS

Madaxwaynaha JSL Oo Ka Hadlay Curashada Sanadka Cusub Fariina U Diray Shacabka Somaliland

Hargaysa(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa uu Hambalyo iyo Salaan ku saabsan munaasabadda Sannadka Cusub ee miilaadiga 2018-ka awgeed u diray dhammaanba Shacbi weynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee ku dhaqan gudaha iyo dibedda dalka.

Madaxweynuhu mar labaad waxa uu Munaasabada Sannadka Cusub oo ka mid ah munaasabadaha Fasaxa Qaran awgeed, uu Hambalyo iyo Salaanba u dirayaa dhammaanba Shaqaalaha kala duwan ee Dawladda, Qaybaha Ciidamada Qalabka sida, Goleyaasha Qaranka iyo Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay ku nool yihiinba.

Madaxweynuhu waxa uu Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ALLE uga baryayaa inay Sannadka, sanadkiisa kale ku gaadhaan Nabadqab, Barwaaqo, bash-bash iyo Horumar. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi wuxuu Shucuubta Bulshada Caalamka u rajaynayaa in Sannadka 2018-ku noqdo kii ula kowsada nabadgelyo iyo xasilooni taama.

 

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Saxaafadda Madaxtooyada JSL.

 

 

Exit mobile version