WAJAALE NEWS

Haamihii Shiidaalka Berbera Oo Halis Kujira+Khatarta Ay Magalada Berbera Kulaalayso Iyo Arrimaha Horyaala Madaxweynaha Cusub

Berbera(W,N)-Haamaha Shiidaalka Berbera oo ah hanti Qaranka Somaliland leeyahay hase yeeshee dabayaqaadii sanadkii 2015kii shirkado gaar loo leeyahay oo ku bahoobay Magaca Berbera Oil Group oo magacooda loo soo gaabiyo(BOG)ay xukumada hada wakhtigeedu dhamaaday ee Madaxweyne Siilanyo hogaaminaayay ka kireysay oo dhamaantood ah kuwa dalka laga leeyahay oo muwaadiniina kuwaas oo sife sharciga waafaqsan Xukumadu ugu kireysay inkastoo waxoogaa buuq ahi ka dhashay markii golaha wakiilada la horgeeyay ansixinta kireynta haamaha shiidaalka Berbera hadana waxa ay ahaayeen kuwo sifihii sharcigu dhigaayay loo maray.

 

Shirkadaha laga kireeyay Haamaha shiidaalka Berbera oo awalkii u horeeyay shaki badan shacabka Somaliland iyo Berberaba ka qabeen qaabkay umaamuli doonaan Haamaha shiidaalka Berbera ayaa mudadii koobnayd ee ay haamaha shiidaalka Berbera gacanta ku hayeen sameeyay horumar dhinac walba ah iyaga oo casriyayn ku sameeyay qaabka shiidaalka loo dhaamiyo haamo cusubna dhisay halka kuwii horena ay dayactir balaadhan ku sameeyeen iyaga oo kaashanaya shirkado ka shaqeeya dhismaha iyo dayactirka haamaha shiidaalada iyo wixii la halmaala kuwaas oo ah shirkado ay dalka debediisa ka yimi.

 

Sidoo kale shirkadaha Maamulka haamah Berbera gacanta kuhaya ayaa hirgaliyay qaab shaqo oo habeen iyo maalinba ah in haamaha shiidaalka Berbera shaqaalaha ka shaqeeya dhaaminta iyo shubidu heegan buuxa ku jiraan oo aan marnaba laga waayin shaqdooda iyaga oo siiya mushaharaad ku filan sida aanu ka soo xiganay qaar kamida shaqaalaha haamaha ka shaqeeya oo aanu wax ka weydiinay qaabkay ushaqeeyaan iyo mushahaaraadka ay ka qaataan shirkadaha maamulka haamaha shiidalka berbera laga kireeyay waxaanay sheegeen inay mahadinayaan wax cabasho ahna aanay ka qabin.

Waxa kaloo ay shirkadaha haamaha shiidalka Berbera maamulaa ay dalka ka haqab tireen shiidaalkii dalka ka kala go,i jiray iyaga oo intooda badani ah shirkado shiidaalka ka ganacsada oo dalka debediisa ka keena shiidaal caafimaad qaba oo aan wax cabasho ah ka soo noqonin mudadii ay Maamulka Haamaha shiidaalka hayeen. Hadabba Waxa layaab noqotay in xukumada Madaxweyne Siilanyo ee wakhtigeedu dhamaaday ay dabayaqaadii mudo xileedkeeda ay shirkada isgaadhsiinta ee Telesom soo siisay dhul kamida dhulkii loogu talagay inay Haamuhu kufidaan oo kaabiga usaaran haamaha shiidaalka Berber dhulkaas oo balaciisa lagu qiyaasay dhinac walba 300 Mitir halkaas oo shirkada Telesom ka wado hada dhiska haamo shiidaal oo gaar loo leeyahay dhinacana kuhaya haamihii qaranku lahaa ee shirkadaha sida ku meelgaadhka ah looga kireeyay.

Haamaha shirkada Telesom Group dhisayso ayaa halis badan kuhaya haamaha shiidaalka Berbera ee qaranku leeyahay sababtoo ah laysuma dhaweeyo laba goobood oo shiidaal oo laba maamul kala leh waxaana dhici karta hadiiba mid kamidi qarax ama dab ka dhaco inuu takalena dabkaasi gaadhayo oo laysla shuf beelayo khasaare aan laga soo waaqsanina uu goobtaas ka dhaco.

Sidoo kale sida aanu xog ku helay heshiiska haamaha shiidaalka Berbera lagaga kireeyay Shirkadaha Berbera Oil Group waxa ku jiray qodob dhigaya inaan haamo shiidaal oo kale dalka laga samnayn karin kuwaa qaranku leeyahay mooyaane waana qodobka aad arkaysaan inuu hada jabay oo aanay ku dhaqmin xukumada Madaxweyne Siilanyo ee xilka kasii dagaysaa waana miino loo sii aasay Xukumada cusub ee hada uu dhisi doono Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Waxa kaloo taas ka sii daran oo haamaha shiidaalka Berbera dhinacyada ka kulaalaya laba shirkadooda oo gaasta halista badan ee wax lagu karsado dalka keena oo lagu kala magacaabo Somgas oo kamida Telesom Group iyo Unigas oo uu leeyahay ganacsade carbeed iyo rag Somaliland udhashayna ay wakiil uyihiin Waxaana Warar aan la hubin ayaa Iyaguna sheegaya in wasiiro kamida xukumada wakhtigeedu dhamaaday ee Madaxweyne Siilanyo inay nin carbeed shuraako la yihiin waxaana marag madoona in haamaha shiidalka Berbera ee qaranku leeyahay halis daaqayaan magaalada Berberina ay gabi ahaanba tahay magaalo miinaysan oo aan la garanayn xiliga ay qarxi doonto una baahan in gurmad xoogan xukumada cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ufidiso waxna ka qabto halisa faraha badan ee isdul hoganaya.

Waxyaabaha kale ee layaabka leh ee ubaahan in aan la dhayalsan oo si dag dag ah xukumada Cusub wax uga qabato ayaa waxa kamida in haamaha shirkada Telesom samaysanaysaa ay dhuuntii shiidaalka kasoo qaadi lahayd maraakiibta bada taagan ee shiidaalka ukeeni doona ay qorsheeyeen hadana dhismaheeda wadaan inay dul marto dhuunta haamaha shiidaalka Berbera bada utaala ee uga soo qaada maraakiibta bada taagan shiidaalka iyada oo horena bada ay ugu sii jirtay dhuumo ay leeyhiin labada shirkadood ee Somgas Iyo Unigas oo Gas khatarta badan kasoo qaada maraakiibta Bada taagan ee gaasta sida dhawr jeerna neesasho samaysay oo ilaahay uun si nabad galyo ah ku damiyay waana sababta loo odhan karo Magaalada Berbera waa magaalo miinaysan oo hadii qarax yari ka dhaco haamaha shiidalka Berbera ama kuwa Telesom ama labada shirkadood ee gasta Berbera waxay noqon doontaa magaalo ololka iyo qaraxu isgaadho iyada oo walibana ay jirto inaanay shirkadaha gaasta iyo telesom toona lahayn goobo dabdamis iyo shaqaale utoobabaran ladagaalka dabka Halkay Shirkadaha Haamaha shiidaalka Berbera Maamula ee BOG magacooda loo soo gaabiyaa ka dhisan yihiin dhinaca la dagaalanka dabka magaalada Berbera meel kasta oo dab ka kacana ay gurmad xoogan ufidiyaan sida maalmihii Dekeda koonteenarada dabku ka kacay oo ay iyagu ku guulaysteen inay bakhtiyaan qaar kamid shaqaalohooduna ku dhawaacmeen hawl galadaas. Waxa kaloo Haamaha shiidaalka Berbera dhinac kasta kaga saydaran dhismayaal xukumada sare soo bixisay iyo Bakhaaraadi haamaha keydka shiidaalku lahaayeen ee qalabka loogu keydin jiray oo iyagana la soo siiyay shirkada dahabshiil Group oo hada uu ka socdo dhisme aan ilaa hada la garanayn waxa uu yahay hase yeeshee cagafyo iyo wishah la galiyay oo la duminayo bakhaaradii hore oo ka samaysnaa biro waaweyn xadiida.

Shirkadaha Telesom iyo dahabshiil ayaad moodaa inay labaduba dhismayaasha ee goobahaas Haamaha shiidaalka Ku saydaran ay kawadaan ku dhisayaan hab dagdag ah oo laga gaadhsiinayo xiligan kala guurka ah ee labada Xukumadooda xilka lakala wareegayaan. Shuruucda caalamiga ah iyo kuwa Somalilandba waxa kuyaala inaan laba goobood oo lidi isku ah ama isku qarxi kara aan meel isu dhaw laysugu gayn karin. Arimahan aynu soo sheegnay oo dhan ayaa waxa ay itaxaan horyaala ku yihiin Madaxweynaha Cusub ee shacabka Somaliland doorteen Mudane Muuse Biixi Cabdi oo loo baahanyay inuu wax ka qabto halista magaalada Berbera dulhoganaysa islamarkaana uu badbaadiyo hamaha qaranku leeyahay ee dhinac walba qaraxa iyo khatartu ka xigto dhulkii ay ku fidi lahaayeena shirkadaha gaarka loo leeyahay ee macaashdoonka ah sifaha aan sharciga waafaqsanayn Xukumadu usoo siisay.

 

 

 

 

 

Wariye Xamse Jirde

 

Exit mobile version