WAJAALE NEWS

Falastiiniyiinta Oo Dhigaya Dibad Bax Ka Dhan Ah Go’aanka Trump Ee Qudus

Hargaysa(W,N)-Shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool deegaanada la haysto ee Daanta Galbeed iyo Qaza ayaa billaabay isu soo baxyo ay ku diidan yihiin in Qudus ay noqoto caasimadda Israa’iil.

Dadkan ayaa ka cadheysan go’aanka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Israa’iil.

Israa’iil ayaa boqollaal ciidamo dheeraad ah geysay Daanta Galbeed, ayadoo laga cabsi qabo in xiisadda ay ka sii darto.

Warar horudhac ah ayaa sheegaya in siddeed qof oo Falastiiniyiin ah in ay ku dhaawacmeen rabshadaha.

Go’aanka Trump oo isbedel wayn ku ah siyaasadda arrimaha dibadda Mareykanka ee tobannaanka sano soo jirtay waxaa laga bixiyay jawaabo cadho leh oo caalamka oo dhan ka timi.

Dalal badan oo saaxiib dhow la ah Mareykanka ayaa diiday tallaabadaasi, Golaha amniga ee Qaramada Midoobey iyo ururka jaamacadda Carabta ayaa maalmaha soo socda kulmaya si ay jawaabtooda uga bixiyaan go’aanka Trump.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in shaacintan ay soo celiso qalalaasii xumaa ee u dhexeeyay Falastiin iyo Israa’iil. Ururka Xamaas ayaa ku dhawaaqay kacdoon cusub.

Cambaareynta Sacuudiga

Sacuudiga ayaa cambaareeyay go’aanka Mareykank ugu aqoonsaday Quddus inay tahay caasimadda Israa’iil, iaydoo ay sii kordheyso cambaareynta caalamiga ah ee go’aankaasi.

War qoraal ah oo ay boqortooyada Sacduuiga soo saartay ayay ku sheegtay in go’aanka Trump uu yahay mid ‘ aan cudur daar lahayn”

Trump Wuxuu kaloo ku dhawaaqay in safaaradda Maraykanka laga rari doono magaalada Tel Aviv oo loo rari doono Quddus.

Wuxuu sheegay Mr Trump in go’aankaas aan loola jeedin in Maraykanku uu faraha ka qaaday sidii ay uga go’nayd in nabad waarta laga gaadho bariga dhexe.

Falastiiniyiinta ku nool koofurta marinka Qasa oo hadalkaas aad uga cadhaysan ayaa gubay sawirka Mr Trump, kan ra’iisul wasaaraha Israa’iil iyo calanka Yuhuudda.

Siday Dunida uga jawaabtay go’aanka Trump

Israa’iil: Ra’iisal wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu,ayaa ku tilmaamay go’aan taariikhi ah oo caadil ah.

Falstiin: Afhayeen u hadlay kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa sheegay in ”albaabadii cadaabta” ay furmeen.

Faransiiska: Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa yidhi ”Ma taageersanin go’aankan oo aan waafaqsanayn shuruucda caalamiga ah waana mid shaleyto mudan”.

Turkiga: Wasiirka arrimaha Turkiga ayaa ku tilmaamay tallaabo Kheyrul-mas’uulnimo ah.

Paksitan: Dowldda Pakistan ayaa tidhi ”waxaa shallayto mudan in Trump uu iska dhaga tiray baaqyadii caalamka oo dhan uga imaanayay”.

Shiinaha iyo Ruushka ayaa wallaac ka muujiyay arrintan waxayna ka digeen xiisadda oo cirka isku sii shareerto.

Ra’iisalwasaaraha UK Theresa May ayaa sheegtay inay Trump arrintan kala hadli doonto.

Midowga Yurub iyo ururka Jaamacadda Carabta ayaa dhankooda walaac ka muujiyay saameynta uu yeelan karo go’aanka Trump.

Xalka labada dal

Mr Trump wuxuu sheegay in uu diyaar u yahay inuu taageero xalka labo dal oo lagu dhameeyo khilaafka muddada dheer ka dhex jiray Israa’iil iyo Falastiin.

In yar ka hor intii uusan go’aankaas ku dhawaaqin ayuu madaxweyne Trump sheegay in tallaabadan ay ahayd inay goor hore dhacdo.

Qaybta qaddiimiga ah ee Qudus ayaa gidaar ku yaalla waxaa lagu shiday calanka Israa’iil ka hor intii uusan Donald Trump ku dhawaaqin go’aankiisa.

Sida uu sheegay TVga ABC, waxaa aad loo adkeeyey amniga qaar ka mid ah safaaradaha uu Maraykanku uu ku leeyahay bariga dhexe.

Salaasadii ayaa diblomaasiyiinta Maraykanka iyo ee Israa’iil iyo qoysaskooda waxaa lagula taliyey in aysan u socdaalin qaybta qadiimiga ah ee Quddus iyo daanta galbeed “ilaa iyo amar dambe”.

Wasiirka Sirdoonka Israa’iil oo lagu magacaabo Israel Katz wuxuu idaacadda ciidamada u sheegay in “ay isu diyaarinayaa wax kasta” sida in ay rabshado dillaacaan.

Maxaa muhiim ka dhigaya go’aanka Trump?

Magaalada Qudus waxay muhiimad wayn u leedahay labada dhinac ee Falastiin iyo Israa’iil. Waxaa ku yaalla goobo barakeysan oo ay aaminsan yihiin seddaxda diimood ee dunida ugu badan, Islaamka, diinta Yuhuudda iyo Masiixiyadda.

in Qudus ay leedahay Israa’iil weli beesha caalamka maysan aqoonsan, dhammaan dalalkana waxay safaaradohooda ka dhisteen Tel Aviv.

Bariga Qudus oo magaalada Qadiimiga ah ay qeyb ka tahay waxay Israa’iil qabsatay ka dib dagaal lix maalmood qaatay oo dhacay 1967, Laakiin hadda ka hor looma aqoonsan in ay qeyb ka tahay dhulka Israa’iil ay maamusho.

Sida uu dhigayo heshiiskii nabadda ee Israa’iil iyo Falastiin ee 1993, marxaladda magaalada Qudus waxay ahayd in looga doodo kulamadii ka dambeeyay midkii lagu saxeexay heshiiskaasi.

 

 

 

Exit mobile version