WAJAALE NEWS

Daawo: Xukuumada Somaliland Oo Ku Kacday Fal Qaranimada Dhaawac Ku Ah Iyo Faadumo Siciid Oo Laga Reebay Wafti Ay Hor Kacaysay

Hargaysa(W,N)-Xubno ka mid ah Baarlamaanka Midawga Yurub oo shalay Madaarka Cigaal ay ku soo dhaweeyeen Marwo Faadumo Siciid iyo Masuuuliyiin Xukuumada ka tirsan ayaa waxaa ay Waftigani Saaka u kicitimeen Aqalka Madaxtooyada Somaliland oo ay balan ku lahaayeen.

 

Waftigan oo ay Horkacaysay Marwo Faadumo Siciid ayaa markii ay soo galeen Aqalka Madaxtooyada waxaa amar lagu bixiyay in aanay Faadumo Siciid soo galin Madaxtooyada iyada oo ciidanka ilaalada Madaxtooyadu ay ka celiyeen Xayndaabka hore ee Qasriga Madaxtooyda,Sidoo kale waxay arintani ay fajac ku keentayWaftigii  Xildhibaanada Midawga Yurub ka socday.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

 

 

Wariye: Xamse Jirde

Wajaalenews.net

Hargaysa Office

Exit mobile version