WAJAALE NEWS

Daawo: Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Oo La Kulmay Diblumaasiyiin Ka Socda Midowga Yurub,Turkiga iyo UN-ta

Hargeysa (W,N)- Madaxweynaha cusub ee dhawaan uu doortay shacabka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi, ayaa la kulmay diblumaasiyiin sarsare oo ka kala socda Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo dalka Turkiga.

Madaxweyne Muuse Biixi oo diblumaasiyiinta kulamo kala duwan si gooni gooni ah ugula yeeshay xarunta Madaxtooyada Somaliland maanta, iyadoo ay wehelinayeen Madaxweyne-ku-xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Sacad Cali Shire iyo xubno kamid ah hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE, waxa uu ku qaabilay saddexda wefti oo ay kala hoggaaminayaan; Madaxa Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Jeffrey Sims, Wakiilka Midowga Turub ee Somaliland Mr. Alberto Fiat iyo Wakiilka dawladda Turkey-ga u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland Mr. Ali Noyan Coskun, waxaanna diblomaasiyiintani guddoonsiiyeen Madaxweynaha cusub ee Somaliland hambalyo rasmi ah oo ay ka sidaan madaxda dalalkooda.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warka

Exit mobile version