WAJAALE NEWS

Xusuusta Boqorkii Ugu Dambeeyay Ee Saldanaddii Mughal

Wax ka baddan muddo qarni ah waxaa la’iska hilmaamay taariikhda iyo xusuustii boqorkii ugu dambeeyay ee saldanadii xoogga badnayd ee Mughal taas oo ka talin jirtay dalalka Hindiya, Pakistan, Bangladesh, iyo Afghanistan.

 

 

ku dhintay magaalada Yangon ee dalka Myamar, halkaas oo gumeystihii Ingiriiska ay geeyeen isaga oo maxbuus ah. Waxa ay ahayd sanadkii 1862-dii wax yar uun kadib markii Ingiriisku uu jabiyay ciidankiisii.

Bahadur Zafar II ayaa waxaa lagu aasay meel u dhow goobta caanka ah ee lagu magacaabo Shwedagon Pagoda ee magaalada Yangon si qarsoodi ah.

Saldanadda Mughal waxa ay talin jirtay muddo 300 sano ka badan, Zafarna waxa uu ahaa boqorkii ugu dambeeyay ka hor intii aanan xukunka laga tuurin sanadkii 1857-dii xiligaas oo hormuud ka noqday “Kacaankii Hindiya” ee Ingiriiska lagula dagaalamay.

Waxa uu si weyn ugu caanbaxay gabayada Afka Urduuga, waxaana lagu naaneesi jiray Zafar, gabayadaas oo illaa maanta la xafidsanyahay, iskuulaadkana lagu dhigo meelaha qaar.

Dhimashadiisii kadib ayaa waxaa meesha ka baxay mid ka mid ah boqortooyooyinkii adduunka ugu weynaa.

 

 

Balse xusuusta dadka waxa uu dib ugu soo laabtay sanadihii 1980-naadkii, xiligaas taxane taleefishin Hindiya ah uu soo baxay oo isaga laga matalay, waddooyin ayaa sidoo kale loogu magac daray magaalooyinka Dehli iyo Karachi, halka magaalada Dhaka meel darjiin ah loogu magac daray.

“Safar waxa uu ahaa nin mucjiso ah, gabyaa caan ah, iyo hoggaamiye muslim ah oo udub dhexaad u ahaa xidhiidhka wanaagsan ee dadka Hinduuga ah iyo Muslimiinta” ayuu yidhi William Dalrymple oo ah taariikhyadan darsaday sooyaalka boqorka.

Waxa uu intaas ku daray in uu astaan dhab ah u ahaa ilbaxnimadda Islaamka si la mid ah awoowgiis boqor Akbar.

Gadoodkii 1957-dii

Askarkii Hindiga ahaa ayaa sameeyay gadood iyo kacdoon ka dhan ah ciidammaddii Britishka ahaa 10kii bishii May, wuxuuna ka biloowday magaalada Meerut, kadibna waxa uu ku faafay magaalooyinka Dehli, Agra, Lucnow, iyo Kanpur.

 

Qabriga Zafar ayaa la helay sanadkii 1991-dii, kadib shaqaale dhismo oo dhulka qodayay oo soo faagay alaabihii tilmaamta boqorka ee lala duugay.

Qabriga ayaa kadib dib loo dayactiray, wuxuuna astaan u yahay mid ka mid ah taariikhihii layaabka lahaa ee soo maray Hindiya.

 

 

Darbiyada waxaa lagu qoray sawirro farshaxan ah oo boqorka ah iyo qoraalo isaga ka turjumaya.

Waxaa meel u dhow laga sameeyay madxaf lagu kaydiyo xusuusta boqor Bahadur Shah Zafar, waxaana halkaas sanad kasta booqda dad badan oo muslimiin ah oo aad u ixtiraama boqorka oo sidoo kale ahaa wadaad diinta islaamka ah.

Sanadkan 2017-ka ayaa waxaa waxa uu ku beeganyahay sanad guuradii 160-aad ee kasoo wareegtay kacdoonkii Hindiya, balse ma jirto meel laga xusayo.

Exit mobile version